Shirkadda Gamuur oo Hotel cunto Turkey samaynaya ka furtay Hargeysa

0
139

IMG-20131215-01270Hargeysa(Waaheen) Mulkiilaha shirkadda Gamuur Fibre Glass Daahir Gamuur ayaa maanta Hargeysa ka furay Hotel lagu samaynayo Cuntada Dalka Turkiga, waxaanu u sameeyey xaflad balaadhan oo ay ka soo qayb galeen muwaadiniin u dhashay dalka Turkiga oo ku sugan Hargeysa iyo masuuliyiin kala duwan.

Hotelkan oo lagu magacaabo Hargeysa Turkish Restraunt, waxa lagu qalabeeyey noocyada qalabka kala duwan ee lagu kariyo cuntada, qalabkaas oo ah Casri isla markaana ka kooban Moofooyin xaniidyo kala duwan lagu samaynayo, waxaanay dadkii ka qayb galay xafladdii Furitaanka ee loo sameeyey aad u soo jiitay dhadhanka cuntadii la sameeyey oo ay ku farayaraysteen Cook Turkey ah oo hotelkaas ka hawlgalaya.

Hargeysa Turkish Restraunt, waxa laga furay xaafadda Badda Cas beerta C/laahi jire ee ku taala Hotel Guuleed dhabarkiisa gaar ahaana barxada ka danbaysa Schoolka 17-ka May eek u ag yaala xarunta Hay’adda WHO.

Hargeysa Turkish Restraunt waa Hotelkii koowaad ee Hargeysa laga furo ee lagu sameeyo Cuntada Dalka Turkiga isla markaana ay ka hawl galayaan Khubaro ku takhasusay dhinaca Cunto karinta oo dhamaantood wada Turkey ah.

IMG-20131215-01245

IMG-20131215-01258IMG-20131215-01254IMG-20131215-01262

Daahir Gamuur oo ah mulkiilaha Hargeysa Turkish Restraunt isla markaan ah Ganacsade xidhiidh la leh dalal Turkiga iyo Shiinaha ayaa xafladdii furitaanka ku soo dhaweeyey dhamaan dadkii ka soo qayb galay, waxaanu sheegay in Hotelkani wax badan ku soo kordhin doono ajaaniibta Somaliland isagoo si gaar ah u soo dhaweeyey Muwaadiniinta Turkiga ah ee ku sugan Somaliland oo uu sheegay in ay dalka ku soo badanayaan isla markaana ay dalka ku fulinayaan mashaariic iyo Ganacsi kala duwan.

 

Daahir Gamuur waxa uu balanqaaday in Cook-ta Hotelkan ka shaqaynaysaa ay samayn doonto dhamaan noocyada Cuntooyinka loo baahan yahay, isagoo sheegay in Hargeysa Turkish Restraunt oo dhamaan dadweynaha iyo macaamiisha u fidin doonto adeegyo kala duwan oo la xidhiidha Cuntooyinka ay karaniyeen.IMG-20131215-01253IMG-20131215-01268 IMG-20131215-01266 IMG-20131215-01264 IMG-20131215-01247 IMG-20131215-01259 IMG-20131215-01272