Suugaanta iyo Sooyaalka Abwaan C/Waaxid Cali Gamadiid

0
1189

Taariikhda awbaanka

 

ABWAN CWAXIDAbwaan cabdiwaaxid Cali Gamadiid waa gabayaa da’ yar wuxuu dhashay markay taariikhdu ahayd  1982     wuxuuna ku dhashay  Magaalada Rabaso oo  wuxuuna ku barbaaray nolol miyi

Abwaanku wuxuu ka soo jeedaa beelaha daga Hargaysa

Waa abwaan gabaygiisu yahay mid u badan xasuusinta alle iyo in aan adduunka lagu waarahaynin

Abwaanku wuxuu gabayga bilaabay isagoo aad u da’ yar oo jira saddex iyo toban sanno.

Abwaan Cabdiwaaxid gabayga wuu hidaystay oo aabihii Cali iyo awowgii gamadiidba way gabyi jireen sidaa daraadeed wuxuu ka hidaystay gabayga waalidiintii

Abwaanku waxay suugaantiisu ku binaysantahay gabay iyo geeraar mana tiriyo heesaha ama jiiftooyinka

 

WAA WAXA CIRKI DI’I JIRIYO DIRIRKII LOO WAAYAY

 

 

Gabaygan oo uu tiriyey awbaan C/waaxid Cali Gamadiid, waxa uu ka hadlayaa in xaaladaha is bedelaya ee adduunyada ka dhaca, sida colaadaha, abaaraha sixir bararka, caddaalad darrada iyo cudurada aan hore loo aqoon ee dunida ku soo kordhay ay ka dhasheen waxay dadku iyagu gaystees, oo danbiyada iyo macsida aadamuhu gaystaa ay sababaan dhamaan waxaan kor ku soo sheegnay sida illaahay quraanka inoogu sheegay, in aad dadka lagu ciqaabin ilaa waxay gacmahooda ku gaystaan ama galabsadaan

 

 

 

1.     in dhawayba waataanan dayin gabay dabuubtiiye

2.     murti dadan aaraar duur xuloo dux iyo iidaan leh

3.     ka durduurta caawaan badwayb idin dabaalsiine

4.     dulmi iyo hanaayiyo dhac iyo daanno iyo weerar

5.     dabro culus dagaal iyo xasuuq dooxis iyo gawrac

6.     dunbuq iyo rasaas iyo hub iyo duullan iyo gaylan

7.     dumar weer leh mayd daadsan iyo daabac lays ruubo

8.     rag la dabxo haad doogsadiyo diilalyiyo oohin

9.     dan yar wii leh doon maxasa iyo daaimo caydi

10.                        colaadaha arliga daashadee la iska dayn waayay

11.                        waa waxa cirkii di’i jiriyo dirirkii loo waayay

 

 

12.                        diintiyo xishoodkii khalqiyo daadiyoo dhacanye

13.                        dabar kiyo hogaankii la goo doobirta lahaaye

14.                        waxaa lagu daydaa ayrishkiyo gaalka duufka lehe

15.                        dariiqaysku fuulaan sidii duunyadoo kala ‘e

16.                        danbigiyo xumaantiyo fisqiga lala dawaafaayo

17.                        sinadaa arliga daaghirtee laga diqoonwaahay

18.                        waa waxa cirkii di’i jiriyo dirirkii loo waayay

19.                        danbi dhaaf allaa lagu baxaa labada daaroode

20.                        daliilkii rasuulkeena waa lagu dawoobaaye

21.                        digrigiyo tasbiixdaa nimcada lagu durduurtaaye

22.                        wax dadkeena badi loo tumaa daramal shaydanaane

23.                        dawankii iblayskay bulshadu daba dhaqaaqeene

24.                        dubbihii illaahay ma foga daayin abidkiiye

25.                        duulkii kibraba maalinbuu kaga damsiiyaaye

26.                        quruumii la dabar gooyay baan dabada haynaaye

27.                        waxaan dulucda taa uga socdaan idin dareensiine

28.                        qabiilkeena ruuxii danqaba waan la diriraaye

29.                        diintaa khalqigu caayayee cidi ka diiraynin

30.                        waa waxa cirkii di’i jiriyo dirirkii loo waayay

 

31.                        gaaf diirran dumar dhawra iyo dadab la seensaabay

32.                        darmo nabada ubad doora iyo danabo fiicfiican

33.                        ramad wada dunuunucahaya iyo dayrdhal iyo heeshi

34.                        adhi daada oo subag durdura laga dudduucaayo

35.                        do’la iyo dananka wayn iyo gammaan sabada daaqaaya

36.                        fardo lagu damaashaado iyo daabbad iyo caynab

37.                        doobi xoor leh kii fuudayee dunida jeex haysta

38.                        iyo dacanka kii jiifsadee tulud ko soo daynin

39.                        labaduba allaha daayinee deeqda law  simane

40.                        faqiir darajo uma waayin iyo duunyo  iyo maale

41.                        waa itaxaan illaahay damcoo laysku dayayaaye

42.                        dan yaraha tijaarkii liqee cidi danayn wayday

43.                        waa waxa cirkii di’i jiriyo dirirkii loo waayay

 

44.                        wadaad duubleh sheekh daahiriyo daaci iyo qaari

45.                        dar xufaada dirac buuniyiyo duul sakada qaata

46.                        annaa daran anaa doorabay badi ku doodaaye

47.                        mad habaha anaa daalacdaa laysku dilayaaye

48.                        culumad iswada diiddanee diinta ku colowday

49.                        waa waxaa cirkii di’i jiriyo dirirkii loo waayay

50.                        duq gaboobay oday soo dabtiyo daangasliyo shaybe

51.                        inan diib leh hobar doolaqdiyo doob margigu buuxo

52.                        da’ barbaara duunyada mid jira sabi duleed jooga

53.                        wuu kala dambayn jiray khalqigu nin iyo doorkiiye

54.                        maanrtana dunnimadii luntoo waa la doorsamaye

55.                        intii talada loo dayn jiriyo dawdarkaa simane

 

56.                        daacadnimana waa laga tagoo samihii duugawye

57.                        dirhamkuu khalqigu caabudaa doorkan maantahe

58.                        dubka waxay u lulaysaa duunyo kii sida’e

59.                        diintaba suminibawga roon lagu dulaystaaye

60.                        goortay dadnimo wiiqantee laga dawaareeyay

61.                        waa waxa cirkii di’i jiriyo dirirkii loo waayay

 

62.                        dulibaa islaamkii ku dhacay daahirka ahaaye

63.                        madax gaalo soo doorataa loogu dawgalaye

64.                        diintiyo shareecada allana way ka didayaane

65.                        dulmigiyo dhacay laasimaan daayin abidkoode

66.                        anfacoodu waa hilib dad iyo sabi dubaaxdiiye

67.                        marka shacabku daranyaysanyay darajo yeeshaane

68.                        dadka kale halyaygay boqraan amase doortaane

69.                        kuwii maqasha wehe daayacaa geela loodiraye

70.                        waa kuwa dalkeeniyo hantiyay dagaladiisiiye

71.                        waa kuwaa dadkii kala eryee dilay wanaagiiye

72.                        ummalbaan dibnaha ruugayaa cadho daraadeede

73.                        daboqoodhigiyo tuugta waa inaynu dooxnaaye

74.                        goortii danaystaha qabiil lagula daawaystay

75.                        waa waxa cirkii di’i jiriyo dirirkii loo waayay

 

Dhamaad