Qormadii 53-aad Shacabka Somaliland caad -kama Saarna boobka hantidii ummadda oo shirkado cusub oo hor leh loo sameysanaayo.‏

0
162
Bilow-geenu waa Bisinka-iyo-Saliga iyo Tabaariga-iyo Tiirarka adag ee Eebe!  Waa taxanaheenii naqdiga ahaa, tusamada ahaa ee tusaaleynta ahaa  ee dul-marka, duur-xulka, digniinta iyo durniinka ahaa ee qiraayey ee qaawinaayey Xukuumadeena iyo hawl-wadeenadeeda qaarkood  gaar-ahaan kuwa  qiyaameeyey qarankeena yar ee ragaadey ee raranka maanta saarmey, kuwaas oo qorsheystey qandaraasyada qarsoon iyo qaleylkii lagu qeybsan lahaa laguna  qaadan lahaayeenMancafacii, Maalkii, Moodkii, Magantii iyo Mooradii ummadda oo dhan ka dhaxeysey.Waa qormooyinkeenii qeexaayey ee qiraayey kuwa loo xan-baariyey xilalka aaney qaadi-kareyn ee aaney xaqa, xeerka iyo xeegaanka u-laheyn ee aan hadana laheyn hadafka cad,hiyiga iyo hilaada durugsan,sahanka iyo saadaasha dheer, odoroska iyo aragtida fog ee dawladnimada u-yaqaana “Daas-nin leeyahay”, kuwa dabo-ka-nuuga ah ee dulinka ah ee gadaal-dhaladka ah ee mansabka ku shaqeysta ee ku-xoogsada ee u-soo tafaxaytey in ay wadanka ka dhaansadaan dhiilahooda gorofta ah ee aan laheyn lingaxa, car-tirka iyo cidaadka ee goostey in aaney ummadda u-dheelman,u-dhurin, u-dhididin u-dhafrin una-dhaamin.Waa qormooyinkeenii qalaxaayey ee qoofalaayey ee qod-baayey kuwa mansabka  ku-ugaadhsada ee shebekadaha iyo dabinada daadsadey baddaha ilaa beriga, D/hoose ilaa howlaha guud, ilaha/ dhaqaalaga-kheyraadka ma-guuranka ah, Madaxtooyada ilaa iyo Dekeda Berbera, kuwaas oo iska-dabaka- wareega duleedka ilaa duddada madaxtooyada kuwaas oo wada noqdey dabo-kanaax ku-malab-sada dus-duska, luf-lufka, iyo af-dhuunyaaleysiga ay ku fuuq-sanayaan dhiigii, dheeftii iyo dheecaankii ummaddeena baahan, kuwaas  oo  ay ka go’an tahay in ay mar-kasta dha-dhamo ay dheecaan siistaan, maa-daama ay dalqada uun wax-ku-arkaan, Xukuumadii xakameyn-laheyd ee dabri lahaydna ay lafo-toobin ku hayso maadaama ay gacan wadaag toganwada leeyihiin.
Waa taxanaheenii  toosinta ahaa ee duur-xulka iyo digniinta ahaa ee u-quus-goynaayey kuwa noqdey  dha-dhan raaca iyo dhuuni raaca ee hadana noqdey  hayb-raaca iyo isir-raaca ee dayacey hawlihii loo dhaariyey ee ay ummadda wakiilka uga ahaayeen.Waa qormooyinkeenii qaawinaayey ee duraayey kuwa miliqsanaaya ee miciyaha  lisanaaya  ee macal-cune-yaasha ah ee hadana qal-dhabaaya ee qaw-dhamaaya ee Madaxtooyada ku-qamaa-maaya ee ku-weyraxaaya ee ku-gadoodaaya sidii ay xoolihii ummadda ugu-sameysan lahaayeen xidaaro qarsoon iyo xeedhooyin gunl’a. Waa qormooyinkeenii u-quus-goynaayey kuwa soo toshey kiishka  dheer ee afkiisu  taxan-yahay  Dekeda Berbera dabadiisuna ku-taalo Xeyndaabka Madaxtooyada ilaa Xawaaladaha London “bal-waa yaabe, talow yaa buuxin karaaya! “ Waa Q ormooyinkeenii dad-banaa ee u-duur-xulaayey kuwa halaan-halka nafta moodey markii mala-awaalkii miisaaniyadii ay odoroseen ay yeelan weydey Tashiil, Taxliil iyo Turuq ee dhexroorkii, dhextaalkii iyo Miisaankiiba ka lumey ee laga waayey xish-mad, xaq-dhawr, xaq-soor iyo xisaabtan ee xaalkoodii uu noqdey xabkeysi, xulufeysi,kooxeysi iyo shaqsi jecleysi lagu odorasaayo miisaaniyadii qaranka si hantidii ummaddan baahan loogu lunsan-lahaa muska iyo miscirirta xaydaabka-madaxtooyada.
Waa taxanaheenii qawla-leynaayey ee qod-baayey kuwa ku hadra hadalka turxaanta iyo tumaatida badan, hawraarta iyo  tiraabta naxliga huwan iyo kuwa ka haajirey diintii, hidihii iyo dhaqankeenii suubanaa ee iyagu had-iyo goor warbaahinta kaga hugma ee kaga hadaaqa hadalada aan hilaabneyn ee aan hano qaadka aheyn ee aan marriimneyn ee aan murtida badan laheyn, kuwaas oo u-badan Caqli-gaabyo caado qaateen ah oo sheegta Cuqaal laakiin hada Caagle-yaal  la magac-baxey.Waa qormoyinkeenii u-diraayey digniinta -culus-damiirlaawe-yaasha- daneyste-yaasha -dulugle-yaasha- dilaaliinta ah ee qalbiga ka lingaxan ee u-fududeeyey qawleysatada qaranka u-heshiiyey in ay qusum iyo qoon ku qaybsadaan hantidii ma-guuraanka aheyd ee ummadda u-dhaxeysey kuwaas oo hadda ku sii ma-maaya futeynta, fagista, fiiqsiga, fadhateysiga iyo ku-tagri-falka hantidii iyo asadkii ummaddeena  baahan ee debed-yaalka u-ah  dan-yar-nimada iyo dac-darada dabeecadaha is-barkan ee aan saadaasha fiican laheyn.Waa qormooyinkeenii diidanaa in qar-qarsi iyo qoor-qabad lagu qadhaabto oo lagu urursado cashuur aaney dan-yarteenu qaadi kareyn si  dhiigii iyo dheecaankii shacabkeenan tahan-baabey,tiiraanyeysan, tabaaleysan ee tahriibta maciinsadey looga dhigto qurbaan,qadhiidh, iyo qudh-qudho joogto ah oo la isu qulaamiyo…..Waa qormooyinkeenii qiraayey qaran jabka inagu dhacey markii kuwii xilalkii qaranka loo igmadey ay wada-noqdeen, noqdeen damiir-laawe, ma-dirgade, dan-la-orod, doogin-carar  iyo daneystayaal daba-ka-wer-wer qaba oo dal-qada indho-ku-leh.— Waa qormooyinkeenii qaawinaayey ee qiraayey kuwa kooxeysan, isireysan, xasabeysan, xigaaleysan ee ku-caan baxey doog-dhabashada, habaq-leysiga, habqan-socodka,iyo hormo-qamaamka joogatada ah ee ay ku-gadoodayaan xeyn-daabka madaxtooyada iyaga oo reemaaya oo guuxaaya oo u-gunuunucaaya  sidii loogu sad-burin la-haa, anfaca, iidaanka  iyo ilaha dhaqaalaha ee wadanka, ku waas oo aad moodo mar-marka qaarkood duul aan wadankaba u-dhalan oo maanka ka nabaad-guurey. una-haysta in ay madaxtooyada ummadda inteeda kale ka-xigaan.

 

 
Dastuurka ayaa muwaadin kasta oo reer Somaliland ah u-damaanad qaadaaya in dimuqraadiyada si xalaal ah oo badheedh ah oo cadaan ah in la isugu dhaliilo, la isugu toosiyo oo la isugu ololeeyo si  xilalku ay meerto u-noqdaan oo ay digtay-tarnimadu  meesha uga baxdo dimuqraadiyaduna u-meel-marto oo u-naaxdo. Hadaba waxaa nasiib-daro ah oo maanta shacabka reer Somaliland ay wada arkaan in awoodii dawladnimo iyo taladii bud-dhiga qaranku ay gacanta u-gashey koox yar oo budh-cad ah oo aan laheyn hab-dhaqan maa-mul iyo haykal dawladnimo oo aan laheyn biseyl iyo waayo-aragnimo siyaasadeed  iyo aragti fog oo wadanka lagu hago oo loogu sahan tago .Kooxdan budh-cad dawladeeda ah ee mansabka ku ugaadh-sada ee mar-marna u-xuub-siibta Dilaa-liinta shirkadaha qalinka la  hor-yaaca,  si ay xaqal-qalinka jeebka ugu shubtaan ayaa hadana bilaabey in ay shirkado hor leh sameystaan si ay dha-dhanka ,dheefta iyo dhaqaalaha yar ee wadanka soo gala ay u-nacasni mo xaadhaan oo ay u-noqdaan daneystayaal la magac-baxey “aniga uun-baa nool ah”
 
Alleh ayaa mahad iyo mudnaanba leh,
Wehelkiin Waa Alleh iyo Nebi (scw)
Wa Laahum-Aclum Wa -Billahi-Towfiiq
Qalinkii A/rahman Fidhinle
Intensive ED BD PA
United Kingdom
London