Cadaaladeey Axmed-Siilaanyo kugu Tumay

0
78

Xukuumada uu gadhwadeenka ka yahay madaxweyne Axmed-siiraanyo waxay maraysaa inay u adeegto,fulisana danaha reer galbeedku ka leeyahay mandaqada geeska afrika.Rabitaankii shacabka,dawladnimadii,dastuurkii aftida loo qaaday intaba intay duuduubtay ayay ceel ku riday,kana dooratay inay siyaasadii dalka u rogto daba socodka iyo fulinta hawlaha ay MI6-ta ingriisku ka leedahay dalka.

Ciidamadii qaranku waxay noqdeen kuwo lumiyay xilkii dalka ka saarnaa,waxa loo adeegsadaa cabsi-gelinta shacabka,burburinta dimuqraadiyada,cabudhinta saxaafada iyo jid-goynta xisbiyada mucaaridka ah.Dhaqankan ugub-ka ku ah hab-dhaqankii dawladnimo waxa hogaan ka ah madaxweyne Axmed-siiraanyo,waxaanay ku sal leedahay laba arrimood oo kala ah:

1.Fulinta danaha reer galbeedka ee la dagaalanka

   waxay u bixiyeen argagaxisada.

2.Cadaadinta shacabka,laguna qasbo midnimada Somaliya

Markay sidaa tahay waxa isweydiin mudan ma shacabkii ayaa argagaxiso noqday,mise xisbiyada mucaaridkaa ayaa alshabaab noqday,waa maxay ciidankan RRU-da ee isugu jira muwaadiniyiin iyo ciidamo reer galbeed ah ee loo adeegsanayo baabiinta iyo tirtir-ka xoriyad socodka shacabka,xagay ka keeneen sharciga u fasaxaya inay goortay iyo goobtay doonaan-ba ka fuliyaan dalka hadba danaha ay ka leeyihiin.Xagay ka keeneen sharciga ay jid-gooyada ugu galayaan xisbiyada qaranka.Waxa xukuumada Axmed-siiraanyo samaysatay ciidamada ay ku magacawdo RRU oo la mid ah ciidankii afweyne ee la odhan jiray Hangashta.

Ta kale xukuumada Axmed-siiraanyo talaabooyinka iyo hab-dhaqanka ay kula kacayso shacabka iyo xisbiyada mucaaridka ah waxay si toos ah uga tarjumayaan inay fulinayso barmaamijka ay wadataan UN-ta iyo reer galbeedku,kuna magacaabaan soo celinta midnimada Somaliya.

Bal u fiirso shanqadh la’aanta iyo aamus-naanta ay xukuumada Axmed-siiraanyo ka gashay duulimaadka joogtada ah ee ay ciidamada Somaliya(Puntland) ku hayso qaybo ka mid ah Jamhuuriyada Somaliland,sida deegaanada Taleex iyo Buhoodle.Waxaad bar-bar dhigtaa ciidamadii tirada badnaa ee ay xalay dhaqaaqa shacabka ku nool caasimada ku xakamaysay.Waa kaaf iyo kala dheeri.Waxay ka markhaati kacaysaa in lagu cadaadiyo shacabka Jamhuuriyada Somaliland ogolaanshaha dib uga noqoshada madaxbanaanida,dibna loogu laabto midnimada Somaliya.Dhaqamada noocan ah waxay ku danbeeyaan waynu naqaanaa.

Dawlada maanta dalka hogaamisaa waxay maraysaa meeshii ay maraysay dawladii Afweyne maalmahii ugu danbeeyay ee ay ka sii siibanaysay hogaanka Somaliya.Waynu ogoyn ciidamadeedii oo dhan iyo xoog waxay haysay inay ku ururisay difaaca Xamar,tan Axmed-siiraanyana xoogeedii waxay isugu gaysay Hargeysa.

Bal hada qiyaasa kharashka iyo shidaalka ay dawladu 24kii saacadood ee ay jid-goynta ucid ku bixisay.

Madaxweyne Axmed-siiraanyo iyo xukuumadiisu waxay caadaysatay inay dastuurkii si badheedh u jebiso,ciidamada RRU-da ee reer galbeedku ugu talo galay la dagaalanka argagaxisada-na u adeegsato jid-goynta xisbiyada qaranaka ee mucaaridka ah iyo cabsi gelinta danyarta loogu dhacaayo guryahooda saqda dhaxe.

Talaabadaasina waxay abuurtay inay dhamaanba meesha ka baxdo xuquuqdii iyo xorriyadii muwaadiniyiinta reer Somaliland.

Xuseen Xasan Badmaax

Hargeysa/JSL