Shil Dhimasho iyo Dhaawac Sababay oo ka dhacay Duleedka Galbeedka ee Burco.

0
37

images Burco(Waaheen) Saddex Qof ayaa illaa hada la soo sheegay Dhimashadooda halka Tirro dhacaw oo intaasi ka badani ku dhawacantay kadib markii laba bas ooo nooca Nohada la yidhaa isku dhaceen deeganka Qoyta oo ku taala Duleedka Galbeedka Burco.

Shilkan oo daqiiqado ka hor dhacay ayaa waxa la soo sheegayaa in loo soo gurmaday isla markaana burco loo daad gureeyey Meydadkii iyo dhaawaciiba, iyadoo dadka dhintay midkood yahay Dirawalkii mid ka mid ah Labada Gaadhi, halka kuwa kale ka yihiin Rakaabkii kala sarnaa Labada Baabur.

Shilalka Baabuurta aya Maalinba maalinta ka danbaysa sii badanaya, waxaana xukuumadda iyo Dirwalada Gadiidka loo soo jeediyaa dhaliilo ku saabsan in si xaawli ah ay Baaburta loo waddo iyad aoo aanay xukumaduna waxba ka qaban  ama Wax kaqabashadedu yar tahay.