Raysal wasaare ku-xigeenka Somaliya iyo wafdigii ay hogaamineysay oo Muqdisho dib ugu soo laabtay

0
125

Muqdisho(Waaheen) H.E. Fawzia Yusuf H. Adam iyo wafdi ay hogaamineyso oo dalka dib ugu soo laabtay kadib ka qeybgalkooda shirka wadamada Africa iyo France .

foosiyaRa’iisul wasaare kuxigeenka ahna Wasiirka Arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga H.E. Fawzia Yusuf H. Adam iyo wafdi ay hogaamineyso oo ka qeybgalay shir madaxeedka wadamada Africa iyo Farance ee ku qabsoomay magaalada Paris 6-7 December , dibna ugu soo laabatay maanta caasimadda Muqdisho , ayaa waxa ay faah-faahin ka bixisay waxyaabihii ka soo baxay shirkaasi iyo kulamo gaar gaar ah oo ay la kala yeelatay madaxda iyo Wasiirada shirkaasi ka qeybgalay oo ay u jeedisay codsi ah in laga taageero Soomaaliya dhinacyada amniga iyo dhaqaalaha .

H.E. Fawzia Yusuf H. Adam ayaa waxa ay sidoo kale sheegtay in dowladda Soomaaliya ay dhambaal tacsi ah ay u dirtay dowladda South Africa oo ku aadan geerida Madaxweynihii hore ee dalkaasi Nelson Mandela oo ah hogaamiye u halgamay xoriyadda iyo la dagaalanka xukunkii midab takoorka ee wadankaasi soo maamulay .

Ra’iisul wasaare kuxigeenka ahna Wasiirka Arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga H.E. Fawzia Yusuf H. Adam ayaa waxaa socdaalkeeda ku wehlinayay Agaasimaha guud ee Hey’adda Sirdoonka iyo nabad sugidda qaranka (NISA) General Bashir Mohamed Jama ,Xoghayaha joogtada Wasaaradda Arrimaha dibadda iyo iskaashiga Caalamiga Abdi Esse Dirshe ,Afhayeenka Madaxtooyada qaranka Eng. Abdirahman Omar Osman “ Yarisow” iyo Saraakiil kale oo ka tirsan Wasaaradda.