Guddoomiyaha Kulmiye iyo sadex wasiir oo dalka ku soo laabtay

0
53

MuuseHargeysa(Waaheen) Sadex wasiir oo kala ah Wasiirka Gaashaandhiga, Macdanta iyo Tamarta, Caafimaadka iyo Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye ayaa galabta Dalka ku soo laabtay kadib markii ay soo dhamaysteen safari kala duwan oo ay dibeda ugu baxeen.

Wasiiradda iyo Guddoomiyaha Kulmiye ayaan waxba laga weydiin safaradooda maadaama aan wax war ah laga haynin safarkooda iyo soo noqoshadoodaba, hase yeeshee waxa Waaheen u xaqiijiyey qof goob joog ahaa galabta markii ay ka soo dageen madaarka Hargeysa.

Wasiirka Macdanta iyo Tamarta ayaa ku maqnaa Dalka Ingiriiska waxaanay kulan kula yeesheen dalkaasi isaga iyo labada wasiir ee Arrimaha Dibeda iyo guduhu shirkadda Sahanka Shiidaalka ee Genel Energy, taasoo guddoomiyaheedu marka hore booqasho ku yimi Somaliland.

Wasiirka Gaashaandhiga ayaa safarkiisu ku qotomay mid shakhsi ah oo uu Reerkiisa ku booqday, halka Gobolka uu ka soo jeedo mudadii uu maqnaa illaa imika ay Maamul Goboleedka Puntland ka taliyaan, iyadoo wararkii ugu danbeeyey ay sheegayaan in musharaxiin dhawr ahi ay ka wadaan Olole, halka Ciidamadda la dagaalanka Argagisaduna ku wadaan hawl galo Gobolka Sanaag Barri.

Muuse Biixi Cabdi ayaa in muddo ah dalka ka maqnaa isagoo dalalka Itoobiya iyo Tansaaniya kaga qayb galay munaasbado lagu soo casuumay xisbul xaakimka uu Guddoomiyaha ka yahay, hase yeeshee waxa hargeysa ku sii sugayey khilaafkii ka dhashay go’aamo guddoomiyaha Golaha Guurtiddu usoo jeediyey, kuwaas oo uu ka biyo dioiday.

Lama oga go’aanka danbe ee Muuse Biixi waxa uu noqon doono maadaama uu dalka ku soo laabtay hase yeeshee waxa laga filayaa laba midkood, in uu u hogaansamo go’aankii Guddoomiyaha Guurtidxda iyo in uu Diido, taasoo keeni doonta laba mid uun in lagu tartamo shirweynaha Xisbiga oo Hogaan cusub lagu doorto iyo in sidoodii hore loo daayo.

Si kasta ha ahaatee Wasiirka gaashaandhiga iyo Guddoomiye Muuse Biixi waxa hor yaala hawlo culus oo u baahan in wax laga qabto haddii ay tahay mid Xisbi iyo mid xuduudeed.