Wasiir Ku-Xigeenka Arimaha Guddaha Somaliland Cismaan Garaad Soofe Oo Dadka Deeganka Buhoodle u kala Wareejiyey Xoolo ay kala qaadeen.

0
233


4

Burco(Waaheen) Wasiir Ku Xigeenka Wasaarada Arimaha Guddaha Somaliland Cismaan Garaad Soofe Ayaa Hawlo Shaqo Ku Tegay Degaano Ka Tirsan Gobolka Buhoodle Gaar Ahaan Degaanada Qorilugud Iyo Maygaagle Halkaas Oo Uu Kukala Wareejiyay Geelal In Muddo ah lagu kal Haystay Degaamada Buhoodle Iyo Qorilugud Kuwaas Oo Uu Siweyn Xalinteeda Uga Qayb Qaatay wasiir Ku Xigeenka Wasaarada Arimaha Guddaha Somaliland Oo Gacan Buuxda Ka Helaya Duqayda Waxgaradka Iyo Maamulada Degmooyinkan Geelashu Ku Kala Maqnaayeen.

Munaasibad Kooban Oo Lagula Wareegaayay Geelan Oo Ka Qabsoontay Duleedka Maygaagle ayaa waxaa Goob Joog Ka Ahaa Garaado Isimo Cuqaal Iyo waxgarad Ka Soo Kala Kicintimay Degmooyinka Buhoodle Iyo Qorulugud.

44Wasiir Ku Xigeenka Wasaarada Arimaha Guddaha Somaliland Cismaan Garaad Soofe Oo Ka Jeediyay Khudbad Dheer Oo Dhinacyo Badan Taabanaysa Ayaa Si Guud Ugu Amaanay Cid Kasta Oo Ka Shaqaysay isu Soo Celinta Geelal Ku Kala Maqnaa Dhinacyadan Waxaana Uu kula Dardaarmay in si guud looga wada shaqeeyo Nabada waxaana Hadaladisii Ka Mid Ahaa”Goobtan Aan Maanta Joognaa Waa Buhoodle Iyo Qorilugud Dhexdooda Waa Maygaagle waxaanu halkan ku kala wareejinay geel ku kala maqnaa laba belood in muddaa geelani waxaa uu maqnaa muddo Labo Bilood Ah Geela aanu ku wareejinay Ardaaga Buhoodle Waa 24 Halaad Iyo Afar Nirgood Oo Tirada Guud Ka Dhigaysa 28 Neef Halka Aanu Ardaaga Qorulugud Ku Wareejinayno Afar Halaad Iyo Nirig Yar Oo Tirada Guud Ka Dhigaysa 5 Neef dhamaanba cidii gacan ka gaysatay sida xildhibaan xariir iyo gudoomiyaha qorulug iyo rag kaloo farabadan waxaanan labada qolaba ku boorinayaa in laga wada qayb qaato nabada taas ayaa wax lagu noqonayaaye”

Xildhibaan Xariir Siciid Bulaale Oo Kamid Ah Xildhibaanada Baarlamaanka Ee Somaliland Gacan Weyna Ka Gaystay Sidii Si Nabad Ah Laysugu Celin Lahaa Geelashan Iyo Gudoomiyaha Degmada Qorilugud  Waxaana ay si isku mid ah u tilmaameen Muhiimada Nabadu Leedahay iyagoona soo dhaweeyay arintan.

Duqay iyo waxgarad ka kala socday labad dhinac ayaa soo dhaweeyay talaabadan kuna tilmaamay hiilin toosan oo loogu dhaqaaqaayo tubta nabad waarta oo ka hanaqaaday guud ahaan degaana Gobolka Buhoodle kalana shaqayn donaan Xukuumada Somaliland