“Maanta Ka yeeli Mayno Madaxweyne Siilaanyo Wixii uu Diidi Jiray in Isagu ku Sameeyo Masuuliyiin Qaran” Boqorka Dhalinyarta Somaliland Boqor (Boqor Jaleelo).

0
28

AbdullahiHargaysa(Waaheen)- War saxaafadeed uu manta soo saaray Boqorka Dhalinyarta Somaliland Boqor Cabdilahi Xuseen Axmed Yaasiin (Boqor Jaleelo). Ayaa war saxaafadeed uu manta u qaybiyay warbaahinta si adag ugu dhaliilay sidii loola dhaqmay masuuliyiinta xibiga qaran ee UCID qaar kamid ah, isla mar ahaantaana talooyin u soo jeediyay xukuumada iyo xisbiyada mucaaradka ahba. Boqorka oo arintaa ka hadlaya wuxuu yidhi.

“Maanta waxaa ka soo yeedhaya gobolka Gabilay, maaha wax loo dulqaadan karo in masuuliyiin qaran oo xisbi qaran ka tirsan in loola dhaqmo sifo qaldan oo boolisku ka hor istaago hawl xisbi oo dastuurku xaq u siinayo. Arinkaas manta dhacayana hadaan la qaban oo aan sharciga la ilaalin wax aka soo socdaa waa khalkhal galin umada lagu wado.”

Dhanka kale Boqorku wuxuu si adag ula hadlay xukuumada Madaxweyne Siilaanyo, kuna dhaliilay inaanay dhalinyar ahaan ka yeeli doonin wixii isaga lagu raacay ee madaxweyne Rayaale lagaga soo horjeestay, in uu isagu manta ku sameeyo masuuliyiinta qaranka. Wuxuuna yidhi boqorku.

“Madaxweyne shalay markaad xisbiga mucaaradka ah hogaaminaysay umada Somaliland siiba dhalinyartu si buuxda ayay kuu raacday, waxaana lagugu taageeray inaad ilaalin doonto xuquuqda muwaadiniinta Somaliland masuul iyo shiciba. Sharciguna in uu mar walba yahay kalagu kala baxayo. Haddaba Madaxweyne tii shalay Rayaale lagaga soo horjeestay ee adiga lagugu raacay, lagaa yeeli maayo in aad manta adigu jabiso.”

Dhank kale talo soo jeedin uu xukuumada u soo jeediyay wuxuu Boqorku ku sheegay.

“Madaxweyne waxaanu kaa codsanaynaa aniga oo ku hadlaya afka dhalinyarta Somaliland ee aan Boqorka u ahay. In talaabo sharciga waafaqsan laga qaado cidii hawshaa sidaas u maamushay, sharcigana lala tiigsado.”

Dhinac kalena boqorku wuxuu kula hadlay xisbiyada mucaaradka ah talana u soo jeediyay, wuxuuna yidhi.

“Xisbiyada mucaaradka waxaan leeyahay, waxaad tihiin nimanyahow tiir ka mid ah tiirarka qaran kani ku taagan yahay. Markaa idinkuna waa inaad ka shaqaysaan isku haynta iyo midnimada ummada. Wixii amaanka khalkhal galinayana dhinac uga soo wada jeedsataan Isla markaana dadka hormood ugu noqotaan u hogaan sanaanta sharciga.”