Kilalka Shanaad oo Siilaanyo iyo Farroole Meel Wada Dajiyey.

0
217

Siilaanyo22Jig-jiga(Waaheen) Dawlad Deeganka Somalida Itoobiya oo xuska qoomiyadaha itoobiya ku martiqaaday Maamul goboleedyada Somaliya ayaa Madaxweyne Siilaanyo Maanta Dajisay Hotelka uu degen yahay Faroole, halka wasiirada la socday geeyeyn Hotelo kale.

Madaxweyne Siillanayo ayaa  kulamo kala duwan la yeedhay Af-hayeenka Barlamaanka Kililka Shanaad iyo Madax Sar sarre oo kale  kuwaasi oo ku booqday Hoteelka uu degen yahay.

Hase yeeshe lama oga arrimaha ay ka wada hadlee.

Dhinca kale madaxweyne Siilaanyo ayaa caawa ka qabygalaya xaflad balaadhan oo casho sharaf ah, taasi oo ay ka qayb galayaan dhammaan madaxda lagu soo casuumay Xuska Qoomiyadaha oo si weyn loogu xusayo Jig-jiga Taariikhda markii ugu Horeysay .

Madaxweyne Siilaanyo ayaa maanta markii uu gaadhay Jig-jiga kormeer ku maray goobta xaflada Qoomiyadaha lagu qabanayo.