saxafigu xaqbuu leeyahay,madaxduna xaqbay leeyiin.‏

0
102

waxaa waayadan danbe dhagaha dadwaynaha buuxdhaafiyey dawlada iyo saxaafada oo is haysta ama yooyootamaaya isla markaana waxaad maqlaysaa waxaa maanta la xidhay ama lagaraacay wariye hebal oo ka hawl gala telvision hebal dhinaca kalena waxaad wargeysyada ama war baahinta badax banaan aad ku arkaysaa warar aad u fool xun oo lagu dhaleecaynaayo ama wax lagaga sheegaayo dawlada ama madaxda qaranka. hadaba waxaa iswaydiintu tahay waxan la isku haystaa waa maxay miyaanay jirin sharciyad cad oo kala hagta dawlada iyo saxaafada madaxbanaan mise laba qoloba way baal marsan yiin sharcigan mise qolaa u haysata inay waxay doonaan qori karaan inay ciday doonaan iska caayaana xoriyadooda tahay mise maa hee dawladaa cabudhis iyo caga julayn ku haysa saxaafada madaxa banan waa qodobka dadwaynuhu ku jaha wareereen.

hadaba iyada oo waxaasi oo madmadaw ahi jiraan ayaan rabaa anigu  inaan isku dayo bal inaan iftiinsho sidaa aan u arko inuu xalku ku jiro ee ah in lagu kala badbaadi karo.

waxaan soo jeedin lahaa qodobadan hoosku yaala ama talooyinkan.

1. warbaahinta madaxa banaan iyo dawladu waa inay isla meel dhigaan xeerka saxaafada oo lagu heshiiyaa lana wada sexeeexaa in aan la jabin waayo waa xeer sheegaaya in wariuhuna xaq leeyahay ama xuquuq lama taabtaan ah dawlada ama madaxda qaranku sidoo kale leeyiin.

2. ninka sarkaal dawlada ahi waa inaanu u arag xaqiisa inuu awoodiisa si aan sax ahayn oo qyra sharci ah u adeegsado oo uu maalin iyo habeen ba isku dayo inuu cabudhiyo saxaafada madaxa banaan isla markaana jidh dil iyo bahdilaad ku sameeyo wariye hawl maal meedkiisa gudanaaya oo aan waxba gaysan.

3. wariyaha waxaa isna laga rabaa inuu ilaaliyo sharciga oo aanu iska aaminin in xoriyada saaxfadu tahay inuu qaran ka ceebeeyo oo meel kaga dhaco oo uu iska mala awaalo war aan waxba ka jirin oo aanu garanyan meesha uu ka soo baxay iyo macnaha looga jeedo isla markaana maslaxada qaranka meel kaga dhaco madaxda qaranka xuquuqdoodiina meel kaga dhaco.

4. dawlada ama saraakiisha qaranku waa inay wariyayaasha u aqoonsadaan dad mu waadiniin ah oo rayigooda si xor ah oo aan xagtin lahayn u cabiraaya.

5. saxaafadu waa inay garwaaqsataa oo garataa in madaxdu yihiin madaxdoodii qarankuna yahay qarankoodii oo aanay gayin cay iyo ceebayn aan sal iyo raad toona lahayn.

GARYAQAAN: JAMAAL CABDILAHI MUXUMED