Xukumadu Mawaxay Ilawday Inay Saxaafadu Tahay tii u Hiilisay Wakhtigii Kursi Doonka

0
107

JJJJJJJXukumada somalind oo baryahan dambe lasoo baxday cadaadis xaga Xoriyatul qaylka ah oo lagulakacay warbaahinta madaxa banana iyo xisbiyada mucaaridka ah waxaa, waxaa shalay magaalada hargaysa lagu xidhay  afar wariye oo ka hawlgala magaalada hargaysa ,ku waas oo ka cabaanay ninkii la siidaayay dhawaanta ee weeraray wargaysaka Hubaal .

Wariyayaashan oo cabasho salmiya ka dhigaayay magaalada hargaysa ayaa waxaa loo dalbaday ciidamada booliska si ay u qabqabtaan dhamaantood ,waxaanay qabteen  afar kamida wariyayaashaa banana baxaayay oo haatan ku jira   saldhiga dhexe ee caasimada Somaliland.

Xukumadan oo markii ay mucaaridka ahayd u dagaalamijirtay saxaafada iyo madaxbanaanida , xoriyatul qawlka ayaa haatan waxay kuriday godmadaw ,waxaanay doonaysaa inaanay cidba juuq odhan sidii kalitalisnimada lagu yaqaanayu.

 

Saxaafada madaxabaanaani waa ku wii u soo halgamay inuu manta kursiga kufadhiisto  madaxwayne silaanyo, waxaanay uga dhiciyeen  xukumadii ka horaysay ee markaa talada haysay  ,waxaanay labarbartaagnaayeen hiil iyo hooba waxaana abaal koodii looga dhigay in lagu guro godmadaw.

Xukumadan oo markii ay mucaaridka ahayd mar walba  taageeri jirtay saxaafada madaxabanaan ayaa tan iyo intii ay xukumadu qabsatay talada dalka waxay marwalba  ugu caga jugleeyaan saxaafada inay xidhi doonaan hadii ay hadlaan .

Xukumadan manta talada haysa oo olalaheedii ku soo gashay inay dhawri doonto xoriyatul qawlka ayaa waxay hada ku dhaqanta waxaan looga baran xukumadihii kahoreeyay tan iyo intii ay Somaliland jirtay , waxaana marba marka ka danbauysa siibadanaaya khilaafka saxaafada iyon xukumada.

Hadaba waxaa kale oo ay xukumadu dhanka ka le  cabudhinsaartay xisbiyadii mucaaridka ahaa  oo ay shalay udiiday UCID inay tagaan Gobalka Gabilay ,waxaana halkaasi kamuqata inaan wax xoriyatul qawli kajirin Somaliland .

Hadaba meeday balanqaadkii madax wayne  siilaanyo uu u balan qaaday bulshada reer Somaliland  ,mawaxay noqotay hadaan kursiga fuulay anigu cidkale waxba igama galin ,waxaad xasuusnaantaa in  saxaafadu ay tahay tii kuu hiilisay madax wayne .

Saxaafada madaxa baanaanina waa inay ka hawlgalaan sidii ay iska ga dhicin lahaayeen cabudhintan laguhayo,iyaga oo dhawraya xoriyatul qawlka ,ilaalinaayana shuruucda dalka utaala iyo ixtiraamka ay ka mudanyihiin dadkooda iyo dadkoodaba .

Waxaana laga sugayaa saxaafada sidii ay is kugu duubnaan lahayd waxaa bilaabmay  waqtigii ay is kaashan lahaayeen ,hadii kale lababa maalin ayaa waxaa lagu turi saldhiga dabadeena waxaa lawaayi saxafi juuq yidhaahda.

Abdirahmaan Joco

Cabdirahman7up@gmail.com