Hormo ka Mida Urur siyaasadeed-kii Xaqsoor oo ku biiray Kulmiye

0
86

 

WaaHargeysa(Waaheen):- Xubno ka mida Urur siyaasadeedkii Xaqsoor oo uu hor kacayo Gudoomiyihii hore ee Xaqsoor Axmednuur Awcabdi Shaacir, Maxamed Ibraahin

Qabo, Cabdiqaadir Iimaan xubno kale ayaa maanta ku biiray Xisbiga Talada haya ee Kulmiye

 

Munaasibad Xisbiga Kulmiye ku soo dhaweeyay xubnahaasi ayaa lagu qabtay Hotel Maansoor ee magaalada Hargeysa. Waxaa munaasibadaasi ka soo qayb galay Marwada Madaxweynaha Somaliland Aamina waris, gudoomiye xigeenka Kulmiye Maxamed Kaahin, Xubno wasiiro ah, Madaxdhaqameed iyo tobaneeyo xubnood ka mid ahaa Ururkii Xaqsoor iyo Marti sharaf kale oo tiro badan.

Xoghayaha Guud ee Kulmiye Xasan Siciid yuusuf oo ugu horayn ka hadlay Madashaasi ayaa sheegay inay Farxad gaar ah u tahay in Ururkii Xaqsoor Dad ka mid ahi ku soo biireen Kulmiye. Waxa uu ku dheeraaday Muhiimada ay leedahay midawga iyo inay xoog u horseedayso Xisbiga Kulmiye isku imaatinka Kulmiye iyo Xaqsoor.

jjjjj - Copy

Wasiirka Caddaaladda Somaliland Xuseen Axmed caydiid ayaa isna hadalo soo dhaweyn ah ka jeediyay madashaasi “ Waa maalin qaaliya, waa Munaasibad aynu ku xusayno Midawga Ururkii Xaqsoor iyo Xisbiga Kulmiye. Waa Xoog isku biiray, waa rajo iyo Guul u soo hoyatay Xisbiga Kulmiye.” Ayuu yidhi Wasiir Xuseen Axmed Caydiid.

Wasiirka Ganacsiga iyo Maalgashiga Caalamiga ah Maxamed Cabdilaahi Cumar iyo wasiirka Ciyaaraha Somaliland Cali Siciid Raygal oo Iyana halkaasi ka hadlay ayaa sheegay inay soo dhawaynayaan Xubnaha iyo taageerayaasha Xaqsoor eek u soo biiray Maanta. Waxay ku dheeraadeen sida ay gacmo furan ugu soo dhawaynayaan islamarkaana Kulmiye aanay cidi uga lahayn doorkoodana ay ka qaadan doonaan.

Untitled0 - Copy

Maxamed Ibraahin Qabo ayaa isna halkaasi ka hadlay “ Reer Xaqsoor inbadan ayaynu soo soconay. Maanta halkii aynu u soo soconay ee caqabadaha badan aynu u soo maray, waxaynu isla garanay inaynu la midawno Xisbigii horeba aad u ahaydeen ee Kulmiye. Kulmiye Jismi iyo Ruux ayuu ahaa, Jismigii ayaa baryahan joogay oo ruuxdii ayaa ka maqnayd oo reer Xaqsoor ah,. Maanta laga bilaabo Kulmiye waxaa gashay Ruuxdii.” Ayuu yidhi Qabo.

Gudoomiye xigeenka Kulmiye Maxamed Kaahin Axmed oo isna madashaasi ka hadlay ayaa sheegay inuu si weyn u soo dhawaynayo Xubnaha Xaqsoor ka tirsanaa ee Kulmiye ku soo biiray.

Untitled

“ Heshiiska aanu maanta saxeexayno, saacaddaa laga bilaabo Hay’ad kasta oo Distoori ah oo Talada Xisbiga Kulmiye haysa Xisbiga Xaqsoor-na waa ka mid. Golihiisa fulintuu ka mid yahay, Golihiisa dhexe ayuu ka mid yahay Ergooyinka Shirweynaha Kulmiye ayuu ka mid yahay, iyagaa ka talinaya, iyagaa wax ka qaybinaya.” Ayuu yidhi Maxamed Kaahin

Gabagabadii Munaasibadaasi Maxamed Kaahin Axmed iyo Axmed-nuur Aw-cabdi Shaacir ayaa wada jir u saxeexay heshiiska dhex maray Xisbiga Kulmiye iyo Siyaasiyiinta Xaqsoor ka tirsanaa.