Mushkiladda Musuq maasuq ee Telefishanka Qaranka sanadkii Afraad ka dhex Aloosan oo Madaxtooyadda mashquulisay iyo Jinkii Cukuse sheegayey oo ka dhex toosay isaga iyo Maareeyaha

0
51

Geel-jire, Xaabsade iyo Boobe mushkiladdii Eriday oo Cukuse iyo Maareeyaha ka dhex curatay iyo xalkeedii oo wali Sheekh loo la’yahay

Digreetaddii Madaxweyne Siilaanyo ku magacaabay Maareeyaha, Telefishankana ku madax banaaneeyey oo noqotay Darroorin

dfasdfasdfasdfHargeysa(Waaheen) Xukuumadda Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa hanan kari la xalka mushkiladda Telefishanka Qaranka qayrkii ka reebtay ee hortaagan mudadii ay xilka haysay oo madaxa la gashay sanadkii Afraad, iyadoo Eelka ku Aasan ee ay furdaamin kari la’dahay uu ka taagan yahay Malaayiinka lacag ah ee ugu jirta Miisaaniyadd sanadeed kasta, taasoo ka badan boqol wasaaradood oo dalka waxtari lahaa kharashkooda.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta C/laahi Maxamed Daahir Cukuse ayaa doraad shaqadii ka joojiyey Maareeyaha Telefishankaasi isagoo ku Eedeeyey Mushaharka shaqaaluhu ay qaataan oo aan isku dheelitirnayn ama haddii aynu u Eegno sida uu hadalka u dhigay dad aan shaqaysani gurtaan halka kuwii shaqaynayey ay ka helaan fara guudkood.

“Maalmahanba waxaanu wadnay dib u eegis aanu ku sameeyeen xaaladda iyo aqoonta shaqaalaha wasaaradda warfaafinta xaq u sinaanshaha shaqaalaha oo dib u eegis iyo qiimeyn lagu samaynayay, waxaanu u magacownay guddi masuuliyiinta wasaaradda ah oo ka koobnayd agaasimaha guud, mareeyaha TV-ga, Guddoomiyaha Dawan Group, Agaasimaha Farsamada iyo Agaasimaha Idaacadda. Alxamdulilaah waa ay soo dhammeeyeen liisaska waxaa ka soo baxay waxooga khaladaad ah oo waxa ku jiray qaar ma shaqaysteyaal ah oo ka gunno iyo mushahar badan qaar shaqeeya oo 24-ka sacaadadoodba shaqada ku jira si fiican bay u kala sooceen gudidaasi, shaqaalaha dheeraadka ku ah wasaaraddana waa ay sheegeen, kuwa shaqo in loo abuuro oo la dardar geliyo u baahanna way sheegeen,” ayuu yidhi Wasiir Cabdilaahi Cukuse.

Wasiir C/laahi Maxamed Daahir maalintii uu xilka la wareegayey hadalkii laga qoray isagoo Og dhibaatada uu maanta xalkeeda doonayo wuxuu ahaa Wasaaradda Jin baa ku jira’e waxay u baahn tahay in la Cilaaj saaro’e waan ka shidaynaa. Hadalkaas isagoo ka duulaya waxa uu mudadii uu xilka hayey ka dhex dhisay xarunta Masaajid isla markaan waxa uu hirgeliyey Idaacadda Quraa’nka ah ee lagu badhaadhay, hase yeeshee wali muu helin sheekhii saari lahaa Jinka rasmiga ah ee ku jira oo ah mid lacagta uun arka.

Jinka ku jira Idaacadda Cukuse oo kali ahi ma arki kari waayine waxa sidan oo kale Arrinta shaqaalaha ku sifeeyey Wasiir Xaabsade kaasoo ku Eedeeyey shaqaalaha in ay yihiin kuwo aan shaqaysan karayn isla markaana wasaaraddii baabi’iyey, waxaanu ku soo rogay Amariyo iyo Xayiraado uu waagaas u arkayey in uu dabar uga dhigi karo kooxdii wakhtigaas Telefishanka ka talin jirtay ee ay ka mid ahaayeen Maareeye Dhuxul iyo rag kale oo uu ku Eedeeyey Qasriga Madaxtooyadda in ay taagnaayeen ama uga horayn jireen mar kasta isla markaana war kasta hortii la geyn jiray, hase yeeshee Eelka Aasnaa ee la isku eryanayey ahaa Doolarka dul hoganaya Telefishanka.

Geel-jire oo ka mid ahaa Wasiiradda afarta ah ee Afarta sano ee Kulmiye xilk hayey soo maray Wasaaradda warfaafinta ayaa isna Eeday mushkiladda maanta Cukuse dusha ka dhayayo ee ah khilaafka lacageed ee Jeebadaha waaweyn loo toshay ee illaa hada cid dabada ka xidha la la’yahay, wallow wakhtigaas musuq maasuqu ahaa mid kooxo yari ogaayeen oo aanu usoo shaac bixin sida uu imika xadhiga u goostay, inkasta oo xiligaas dhawr jeer Hanti-dhawr galay hadana markasta waxa lagu dhamayn jiray xaal mastuur iyo wasiirka oo galangal badan u yeeshay inuu daboolka saaro.

Boogaha ay wasiiradaasi dhayayeen ee illaa hada Telefishanku la dhutiyayo waxa daboolka ka qaaday Wasiir Boobe oo aan muddo badanba salka dhigin wasaaradda, isagoo dusha ka saaray Eeda dhagarta taala Telefishanka Madaxtooyadda iyo kooxo isku xidhan oo Kiish dheer u toshay dhaqaalaha wali kooxina ka qatan tahay, kooxina waadaamaha dar-darsanayso sida uu Wasiir Cukuse oo tiisu qoyan tahay Oogta ka caddeeyey.

Dhaqaalaha la isku haystaa waa Shan iyo toban bilyan, lix iyo lixdan Milyan toddoba boqol afar iyo afartan kun laba boqol laba iyo toddobaatan Shilling (15, 66,744,272 sh.s.land) oo u dhiganta Dollar ahaan (Laba milyan iyo laba oo kun oo Doolar), lacagta intaas leeg cid walbaaba way ka qayliday, haddii ay tahay Gole Wakiillo iyo haddii ay tahay Mucaarad iyo Muxaafadba hase yeeshee waxa Telefishanka loogu dhooray waa waxa sahayday sadexdii Wasiir eek a horeeyey Wasiir Cukuse ee kala ahaa Xaabsade, Geel-jire, Boobe iyo Cukuse oo hadda la isku jiro oo aan Natiijo laga haynin in uu raaci doono Raadkii kuwii ka horeeyey iyo in uu ka Rayn doono.

Madaxweyne Siilaanyo iyo Madaxtooyadda Somaliland waxa ay Maareeyaha iyo Telefishankaba ku magacawday Digreeto is dabraysa taasoo aad marna Madax banaanaynaysa labadoodaba marna madaxa kaga maraysa Wasiirka, waxaanay u dhignayd sidan:-

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu Digreeto madaxweyne No: JSL/M/XERM/249-1288/082012 ku soo saaray xeerka  Abuurid Maareeye Madax bannaan oo maamula TV-ga Qaranka JSL (Creation of an autonomous National TV Managing Directorate of Somaliland) .

Madaxweynuhu:-

 Markuu arkay;   Qodobka 90aad ee Dastuurka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland,

Markuu arkay;    Baahida loo qabo in Dalku yeesho Telefishan  Qaran oo madax bannaan,

Markuu arkay;    Inay lagama maarmaan tahay abbuurrid maareeye u                                                       madax bannaan maamulka iyo maareynta                                                                  hawlaha baahinta gudo iyo dibedba u soo                                                                   bandhigida barnaamijyada horumarineed ee                                                            dhismaha Qaranka,  

Markuu tixgeliyey;        Tijaabadii iyo talooyinkii mas’uuliyiinta kala                                                         duwan

Markuu Tixgeliyey;      Ahmiyada weyn ee abuurida Maareeyahani ugu                                                      fadhiyo danaha Qaranka,

Wuxuu soo saaray Xeerkan

Qod. 1 aad                 Waxa la abuuray Maareeye madax bannaan oo                    maamula TV-ga Qaranka.

 

Qodob. 2aad                        Waa Maareeye siyaasad ahaan, kormeer ahaan, talo iyo                                                 tilmaan ahaan hoos imanaya Wasiirka Warfaafinta iyo                                       Wacyigelinta, iyada oo warbixintana

                                    uu si joogta ah ula socodsiinayo Wasiirka iyo cidii uu                                          xilsaarto Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyigelinta (Line Ministr).

 

Qod. 3aad                  Wuxuu mas’uul ka yahay baahinta wararka,                                                              barnaamijyada Siyaasadeed,

 dhaqaale iyo bulsho ee qaran gudo iyo dibedba oo leh                maqal iyo muuqaalba

Qod. 4aad                  Maareeyaha  Telefishanku wuxuu yeelanayaa qaab-                                              dhismeed u gaar ah.

Qod. 5aad                  Sharcigani wuxuu dhaqan galayaa marka                                                                    Madaxweynuhu saxeexo.   

Bal u fiirso labada Qoddob ee ugu horeeya Digreetadani waxay tilmaamayaan sida madaxa la isugu geliyey Maareeyaha iyo Wasiirka  Qod. 1 aad                 Waxa la abuuray Maareeye madax bannaan oo                    maamula TV-ga Qaranka. Hadana isla qoddobka labaad waxa uu odhanayaa amar kaas ka duwan oo ah in Wasiirku Maamulayo hore iyo danbaysaba Qodob. 2aad Waa Maareeye siyaasad ahaan, kormeer ahaan, talo iyo tilmaan ahaan hoos imanaya Wasiirka Warfaafinta iyo Wacyigelinta, iyada oo warbixintana uu si joogta ah ula socodsiinayo Wasiirka iyo cidii uu xilsaarto Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyigelinta (Line Ministr).

Isku soo duuboo marka laga yimaado Madax isku galinta iyo maamul xumada bariinsatay Wasaaradda Warfaafinta iyo Telefishanka Qaranka isla markaana loo geeyo malaayiinka Doolar ee Musuq maasuqa ah ee dhex jiifa waa mid ay masuuliyaddiisu dul taalo Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo Xukuumaddiisa, waxaana loo wada joogi doonaa halka ay maantana ka fad kudiso.