OGAYSIIS:Jaaliyadda Reer Somaliland ee Sweden ku dhaqan waxa la Ogeysiinayaa in guddii Dhismaha Wadada Cerigabo ay imanayaan.

0
96

OGEYSIISDalada Guud ee Jaaliyadaha Somaliland, Wakiilka Somaliland ee Sweden, Jaaliyada Somaliland ee Stockholm iyo Gudiga kumeelgaadhka ee qaadhaanka wadadda Ceerigaabo ee Stockholm, Waxay ogaysiinayaan Dhamanaan dad weynaha reer Somaliland ee ku dhaqan dalka Sweden in weftigii uu madaxweynaha jamhuuriyada Somaliland mudane Ahmed Mohamed Mohamud (Siilaayo) u magaacabay wadadda Ceerigaabo, ay imanayaan magaalada Stockholm ee caasimada dalkan Sweden, maalinta khamiista ee 5 december 2013.

Maalinta jimcaha ee 6 december 2013 waftigu waxa uu la kulmidoonaa dadweynaha reer Somaliland ee ku dhaqan Sweden. Meesha Kulanku ka dhacayaa waa hoolka shirarka ee Kista Träff, ee xaafada Kista. Saacadu waa 16.00 – 21.00.

Waftiga oo uu hogaaminayo Wasiiru Dawlaha Wasaarada Maaliyada SL mudane Cisman Saxardiid Cadaani waxay ka koobanyihiin 4 xubnood oo kala ah.

Wasiiru Dawlaha Wasaarada Maaliyada SL mudane Cisman Saxardiid Cadaani.
Xildhibaan Cali Dirie ( Cali Gabiley).
Marwo Ilhan Mohamed Jama, Wasiirkii hore ee Wasaarada Arimaha Bulshada SL.
Sacdia Muse Ahmed, Country Rep. PENHA, Somaliland/Somalia.

Weftiga oo ujeedada safarkoodu tahay sidii ay bulshada reer Somaliland ee Sweden ugu wacyigelin
lahaayeen, ka qaybqaadashada qaadhaanka wadadda isku xidhaysa Sanaag iyo Togdheer. Waxay joogi doonaan Stockholm mudo ah 2 maalmood, iyagoo u sii dhaafidoona Sweden xagaas iyo dalka Norwey.

Hadaba walaalayaal waxaanu idinka codsanaynaa inaad ka soo qaybgashaan kulanka weftigu kula kulmaayo dadka reer SL ee Sweden bisha december lixdeeda.

 
Wixii faahfaahin ah ee intaas dheer kala soo xidhiidh
Wakiilka Somaliland uu fadhiya dalkan Sweden
Marwo: Rooda Jama Elmi
Tel: 0709-502 435

Gudoomiya Dalada guud ee Jaaliyadaha SL
Mudane Sakaria Wacays
Tel:0707770503

Gudoomiyaha Jaaliyada SL ee Stockholm
Mudane: Husien Abaadir
TeL: 0737- 61 91 51

Abdi Ali
Xubin ka mid ah gudiga kumeelgaadhka ah ee qaadhaanka wadadda Ceerigaabo
Tel: 0736- 75 70 29

 

ALLAA MAHAD DHAMAANTEED ISKA LEH