Jaamacadda Admas oo xaflad balaadhan ku daah furtay Barnaamijka Post Graduate-ka oo Jaamacadda lagu soo kordhiyey

0
78

POST7Hargeysa [Waaheen]-Xaflad balaadhan oo lagu daah furayey qaybta cusub ee Poost Graduate-ka Jaamacadda Admas University College ayaa lagu qabtay Hotelka Maan-soor ee magaalada Hargeysa,munaasibadda xafladdaas oo si quruuxbadan loo soo agaasimay waxaa ka soo qaybgalay masuulinta ugu saraysa Jaamacadaha Admas qaybaheeda kaladuwan sida Addis Ababa iyo Hargeysa.

Maamulka iyo macalimiinta,ardayda Jaamacadda Admas iyo dadweyne kale oo farabadan oo madaxada wasaaradda cadaaladda iyo masuliyiin kale oo ka kala socday qaybaha kaladuwan ee bulshada Somaliland.-Madaxaweynaha Jaamacadda Admas Ixsaan Cumar oo madashaa ka hadlay waxa uu ka warramay  inay waxbadan ku raad joogeen aqbalaadda ay u heleen inay Jaamacado dunida caan ka ahi ogolaadeen inay Admas qayb ku yeelato waxbarashadooda caalamiga sida Lubeck University of Appliied Science iyo qaarkale oo caalamka laga ixtiraamo.

POST14

“waxaa caawa farax weyn noo ah inaanu xafladdeenan qaaliga ah ku  daah furayno barnaamijka Post Gradute oo ay Jaamacaddu in  muddo ah ba xidhiidheeda sidii ay ku heli lahayd raadisanayso” sidaa waxaa yidhi Madaxweynaha qaybta Hargeysa ee Jaamacadda Admas University College. Mar Ixsaan waxa kale oo uu sheegay isla markaana uu dadweynaha gaar ahaan bahda dhaliyada waxbarasahda jecel ugu bishaareeyey inay Programm-yadaasi dhawaan ka bilaabmi doonaan Jaamacadda bilawga bisha Jeena wari marka la gaadho.

POST18

“waxaanu ugu bishaaraynaynaa dadweynaha jecel waxbarasahda inaanu dhawaan wixii loo gaadho sandka cusub bisha Jeenawari si toos ah uga bilaabi doono Programyadan Jaamacadda Admas” ayuu yidhi Ixsaan.Jaamacadda Admas oo ay dadweyuhu horey uga barteen aqoon tayo leh iyo Aadaab iyo anshax ay kala dheeri tahay Jaamacadaha kale waxay ku darsatay inay meel fogg wax ka aragtay taasina ay keentay inay Jaamacadahahan caalamiga ah sida Lubeck oo kale ay ku soo kordhisay waxbarashadeedii aad ku tiqiineen.

POST6

Mr Gobal oo ku hadlayey magaca Malimiinta Jaamacadda Admas waxa uu sheegay inuu ku faraxsan yahay inay Jaamacadda Admas qaybteedan cuusb ku soo kordhisay ee Post Graduages-ka “farxad bay noo tahay inaany Jaamacadda ku soo kordhinay qayb muhiim ah oo aanu muddo ku taamaynay” sidaa waxaa yidhi Mr Goobaal oo sacabka si weyn loogu tumay markuu kudbadiisa dhameeyey.

POST20

Waxaa isaguna madashaa ka hadlay Mr Salamon Wajira oo ah madaxa Kulliyadda International Development waxaanu sharraxaad ka bixiyey koorasyadan cusub ee ay Jaamacaddu ku soo dartay qaybihii hore ee ay caanka ku ahayd.

POST4

Waxaa Iyana madashaa ka hadashay Marwo Faadumo Siciid Ibraahim oo ku hadlaysay magaca hooyooyinkii ka soo qaybgalay waxaanay madasha ka soo jeedisay erayo ka qosliyey dadweynihii ka soo qaybgalay xafladdaasi,waxaa isaguma madashaa kmahadlay agaasimaha Tacliinta sare Khadar Axmed Diiriye waxaanu si weyn uga mahad naqay Jaamacadda Admas iyo maaulkeedaba sida wacan ee ay hogaanka ugu hayaan Tacliinta sare ee dalka.

“aniga oo ku hadlay magaca Wasaaradda waxbarashada waxaan aad iyo aad ugu mahad naqayaa Jaamacadda Admas waayo waxaanu intaa eegaynaa oo aanu isha ku haynaa sida ay u kala sareeyaan Jaamacadaha dalka ka jiraa markaa Admas waan ugu mahad celinaynaa kaalinteeda ay kaga jirto Tacliinta sare ee dalka ka socota” ayuu yidhi Mr Diiriye.

POST19

“Jaamacadda Admas waanu idinku garab taaganahay shaqada fiican ee aad wadaan waanan  idinku hambalyeynaynaa” hadalkiisa kaga baxay.waxaa gaba gabadii xafladdaa ka hadlay wasiirka cadaaladda Xuseen Axmed Caydiid waxaanu ka warramay kaalinta ay Jaamacadda Admas kaga jirto bahda waxabarashada sare.

Dhanka kale waxa uu wasiirku sheegay inay sanado uun ka hor ahayd iyada oo aanay wax Jaamacad ahi Somaliland ka jirin balse maanta ay Somliland marayso heer ay Jaamacadda Admas caawa furayso wajigeedee 2aad ee Post Graduate-ga ‘waxaan aad iyo aad ugu mahad celinayaa Jaamacadda Admas talaabada fiican ee ay horey qaadeen waanan ugu hambalyeynayaa”

Wasiirka cadaaladdu Xuseen Axmed Caydiid. “aniga qudhay ayey kaalini iiga banaanta ahay iyo qayrkayba inaanu ku soo biirro Programyadan ay caawa Jaamacadda Admas” sidaa waxaa yidhi Xuseen Axmed Caydiid wasiirka cadaaladda Somaliland.