Madaxweyne Siilaanyo oo Dacwadihii Mucaaradku u gudbiyeen ka jawaabi la’

0
127

Hargeysa(Waaheen) Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaan illaa hada wax jawaab ah ka bixin laba Dacwadood oo qoraal ah oo ay u kala gudbiyeen labada Xisbi Mucaarad, kuwaasoo uga Ashkatooday Eedo Wasiir Warancade dusha ka saaray.

siiaLabada Dacwadood ee Mucaaradka oo ta hore ay u gudbiyeen Xisbiga Waddani ayaa gaadhay toddobaadkii hore, halka ta labaad oo UCID ay u gudbisay ay gaadhay doraad sida ay labada Xisbi Mucaarad shaaca ka qaadeen kadib markii ay  warbaahinta soo mariyeen nuqulo ka mid ah Dacwadooda.

Si rasmi ah looma oga sababta uu Madaxweyne Siilaanyo uga jawaabi la’ yahay Dacwadahaas, hase yeeshee waxay u muuqataa inuu ku taageersan yahay Wasiirkiisa Arrimaha gudaha hadaladii uu ku weeraray labada Xisbi Mucaarad.

Lama garanayo talaabada xigta ee ay Mucaaradku qaadi doonaan maadaama aanay illaa hada jawaab ka helin xukuumadda talada haysa, wallow ay sheegeen in ay Maxkamadda tagi doonaan, hadana waxa muuqata Mucaaradka inaan looga baran arrintaasi.

Si kasta ha ahaatee Mucaaradka iyo Xukuumadda waxa xiligan ka dhex aloosan dagaal siyaasadeed kaasoo sababay in weedho ad adah labada dhinac maalmihii u danbeeyey si-weydaarsadaan, kuwaas oo aan wali dhamaan.