Madaxweynaha Somaliland oo ka qayb galaya qalin jabinta Jaamacadda Timacade

0
51

Gabilay(Waaheen) Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa berry ka  qayb galaya xaflad loo soo samaynayo Arday ka qalin jabinaysa Jaamacadda Timacade ee Gabilay.

Xaflad oo hore Madaxweyne Siilaanyo dib u dhigay ka qayb galkeeda ayaa berri la filayaa in ay ku qabsoonto xarunta Jaamacaddaas oo ku taala magaaladda Gabilay.

Dhaqdhaqaaq xoogan oo loogu diyaar garoobayo ka qayb gaka Madaxweyne Axmed Siilaanyo ayaa ka socda magaaladda Gabilay, waxaana la geeyey ciidamo xoojiya Amaanka.