FAWDADA SHARCI, HA LOOLA DHAQMO SIDII XAJAJ BINU YUSUF. C/XAKIIM AXMED CALI (QALINMAAL)

0
124

Fawdada iyo kala danbayn la’aantu maaha wax nolosha Aadamiga kalmeeya qaybna ka aha , waxayna ka dhalata marka caqliga iyo xikmaddu shaqayn weydo ee la isula soo baxo xoog iyo xeelado shaydaan.

Waayadii hore dadku waxay isaga noolaayeen sida xayawaanka, manay lahayn shuruuc iyo nidaam kala haga, noloshu qiimo ma lahayn,  kan itaalka daran ayaa ahaa  kan ugu liita bulshada, kan xooga weynina wuxuu aha kan laga baqo ee wuxuu doono sameeya, mar hadaan sharci iyo nidaam qabanaya jirin , waa sida xayawaanka kala xoog roon ee aan la isu qaban cidina kala xukumin.

Diimaha samaawiga ah ee Allah usoo dhiibay Rasushii (CS) kala danbaysay  ayaa ahaa  kuwa amaanka iyo nidaamayada maamul ee dunidan ka dhismay horseeday, falsafadduna iyaga ayay ka soo hoos baxday ee may ahayn mid iska dhalatay.

Wakhtigii usoo Baxay Nebigeena Muxumed (SCW) waxay ahayd wakhti ay fawdada iyo kala danbayn la’aantii ugu xumayd ee ugu liidatay ay ku jirtay  bulshadii  ku noolayd Jasiiradda Carabta, waxay gaadhay in aan xoog mooyee xeelad kale iyo farsamo kale oo nolosha lagu maareeya aanay jirin.

Waxa gabayadii waagaasi ka mid aha:

“ Ninkaan hubkiisa ku ilaashan Ceelkiisa waa laga dumin     Ka aan wax dulmiyana waa la dulmiyi”

Is  adoonsigii uu keenay xoogii la isku adeegsanayay ayaa samad maray, hablihiina iyagoo nool ayaa  la aasay  madaama aanay waxba ka tareen nolosha sida xayawaanka loo nool yahay , naxriistii, is qadarintii,caqligii  iyo aadaminimada ayaa ba’bayday ila ay noqdeen kuwo u nool si ka hoosaysa xayawaanka… waayo xayawanku ilmaha uu dhalo dib uma cuno ama u dilo… nooc kasa oo xayawaan ahina waxa uu u haya kalagacal iyo ilaalin ilamah uu dhalay (Wa naxariis Allah geliyay si aanay u dabar go’in).. laakiin kii caqliga la siiyay markii uu ka faa’idaysan waayay waakaasi hablihiisa iygoo nool aasaya.

Waxay ahayd wakhtiyadii bulshadii jasiiradda Carabta ugu xumayd, Allaha aya inoogu nimceeyay Rasuulak Muxamed (SCW) , wuxu baray aqoontii, ka fa’idaysiga caqliga iyo xikmadda taas oo keentay in bulshadii wakhti yar ka hor hablahooda nolosha ku aasayay  ay dunida ka noqdeen dawladda xoog ah iyo dhulka ugu nabadda iyo naxariista badan, ee ban’aadminada lagu qadarinayo.

Marka caqliga iyo xikamaddu  shaqayso ayuu qofku oganayaa jirtaanka Allah  iyo in loo baahan yahay in banii’adamku u baahan yahay ku tiirsanaanta qaynuunka iyo kala danbaynta.

Sharciga iyo kala danbaynta ayaa keena horumarka iyo niyadda shacbiga ee ku dhisan curinta, wax isa siinta iyo kor u qaadida nolosha bulshada.

Koox yar oo maalinba meel ka hadlaysa oo sidii ay doonto u dhawaaqaysa oo wixii ay doonto ee afkeeda ka soo baxa ku dhawaaqaysa, maaha wax loo baahan yahay oo soo kordhinaya faa’iido.

Wakhtiyadii Umawiyiintu Hogaanka muslimiinta hayay ayaa Ciraaq waxay noqotay meel rebeshad iyo fawdadu cirka martay xukunkii waxba la dhegaysan waayay. Waxa loo diray oo looga dhigay badhsaab nin la odhan Xajaaj Binu Yuusuf  oo ahaa nin adadag , si uu fawdadasi u joojiyo.

Ciraq markii uu yimi wuxu ku soo rogay xukun adag oo aha in magalada aan la soo geli Karin lagana bixi Karin mar haddii ay cadceedu dhacdo…Wuxu ka dhigay waxan manta loo yaqaan Bando. Wuxu kale oo uu sameeyay ciidan madani oo magaaladda gafwareega ilaaliyana, waa halka Booliiska laga soo dheegtay ayay kutubaha qaarkood qoran.

Ciidanki ayaa habeen qabtay nin magaalada soo galay oo reer miyi ah warna aan u hayn, in bandoo la soo rogay..habeenkii Ciidanka aya xuruntooda ku hayay, markii wagii beryaya ayaa la keenay xaruntii Xajaj (badhsaabka), waxay u sheegeen inay xalay soo qabteen oo uu jebiyay sharcigii la soo rogay..

Badhsaabkii wuxu waydiiyay ninkii reer miyiga aha maxaad ka qabta eeddan laguu soo jeediyay? Ninkii reer miyiga ah wuu yidhi , waa run oo waan soo galay laakiin nin miyi ka yimi ayaan ahay oo aan war u hayn sharcigan badhsaabku keenay… sidaas awgeed waxan ka codsanaya inaad i cafido maanta..!

Xajaj codsigii ninka muu tixgelin arinkii dhinac kale ayuu ka eegay wuxuuna isbarbardhigay kee fudud cafiska ninkan keliya iyo inaad joojiso fawdadan magalada ka taagan, wuxuuna goostay in la ciqaabo ninkan reer miyiga ah, si sharciga loo ogaado inay jirto cid ilaalinaysa.

Wuxu qaatay in bulshadu fawdada joojinayso iyadoo jebinta sharciga ka baqaysa in lagu ciqaabo…  Bulshaduna aragto in nin og iyo niman ogayn sharci jebin aan laga yeelayn iyo inay ku abuuraan fawdo iyo burburka nidaamka dhisan.

 

Waxa loo baahan yahay in mararka qaar sida xajaaj loo dhaqmo oo sharciga dadka lagu xakameeyo..Si dawladnimada muunadeedu u muuqato.