Xukuumadda oo dadkii madaarka dhoofayey shalay ku qasabtay inay Ambassador agtiisa ka Lugeeyaan

0
104

 

Cabsi aan la garanayn oo ay xukuumaddu ka qaaday soo dhaweyntii Cirro oo sababtay in ay dadku shandadahooda Tunka ku qaataan, Lug-na miciinsadaan masaafaddaas

Hargeysa(Waaheen) Ciidamo Booliis ah oo la dhoobay jidka taga madaarka Hargeysa ayaa shalay sababay in ay adkaato dadkii dhoofayey in ay gaadiid ku tagaan Madaarka Hargeysa, kadib markii ay Xukuumaddu soo rogtay amar horseeday in ay dadkii ka dhoofi lahaa Madaarku Lugeeyaan iyaga oo shandadahooda sita inta u dhaxaysa Hotelka Ambassador illaa Madaarka Hargeysa oo ah masaafad aad u fog.

Talaabada Xukuumaddu shalay ku ciqaabtay dadka socdaalayey ayaa ka dhalatay kadib markii ay ka baqday in iska hor imaad ku dhex maro iyada iyo taageerayaasha Waddani soo dhaweyntii Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda isla markaana ah Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani oo uu xifaaltan siyaasadeed dhexdooda ka curtay.

Laga bilaabo Star illaa Madaarka waxa dhoobnaa Askar amaanka ilaalinayey kuwaas oo badhkood Xukuumaddu diyaarsatay badhkood-na uu xisbiga Waddani ka dalbaday si loo sugo amaanka hase yeeshee dareenka labada dhinac kala qabeen ayaa sababay in dadweynihii u shaqo tagi lahaa shaqooyinkooda iyo kuwii dhoofi lahaaba la kulmaan caqabado aan hore loo arag iyadoo ku kaliftay qaarkood in ay dib uga soo laabtaan halka qaarkoodna ay kala kulmeen in ay gaadiidkooda ka lugeeyaan.

Talaabada shalay amaanka lagu sugayey oo dhinac ka wanaagsanayd ayaa hadana dhinaca kale ka kaliftay dhibaato qof kasta oo goob joog u ahaa ama maqlay ku noqotay lama filaan maadaama dadka ka dhoofayey madaarku ay ahaayeen kuwo nooc walba leh isla markaana sita agab aan la qaadi Karin iyadoo Xukumaddu wax ay u diyaarisay oo adeeg ahi jirin  marka laga reebo askarta Celinaysay ama amraysay inay Lugeeyaan mooyee.

Si kasta ha ahaatee baqdintii ay Xukuumaddu ka qaaday taageerayaasha Waddani may noqon mid sababta wixii ay ka baqayeen oo ah in khal khal ka dhaco madaarka.