Wasiirka Arrimaha dibeda Somaliland oo u safray Itoobiya

0
82

Hargeysa(Waaheen) Wasiirka wasaaradda Arrimaha dibeda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis ayaa manta u socdaalay dhinaca dalka Itoobiya, isagoo sii raacay safiirka Ingiriiska u fadhiya Addis ababa oo Somaliland ku sugnaa.

Lama oga ujeedada rasmiga ah ee wasiir Biixi ku tagay Dalka Itoobiya, hase yeeshee waxa lagu war helay isagoo manta ka dhoofaya madaarka Hargeysa.

Wasiir Maxamed Biixi Yoonis ayaa mudadii uu xilka hayey dhawr socdaal ku gaalaa baxay dhawr dal, waxaanu safarkiisa imiku u muuqdaa mid dublamaasiyadeed oo uu ka soo fulinayo dalkaasi.

Biixi waxa uu toddobaadkan ka joojiyey wefti Wasiiro ah oo booqan lahaa dalka Jabuuti, iyada oo aanay illaa hada Xukumaddiisu wax war ah ka soo saarin sababta weftigaas loo baajiyey iyo ujeedadii ay marka hore u tagayeen.