Puntland oo qabsatay Taleex iyo dagaal khasaare sababay oo ka dhacay

0
86

C/samad Cali Shire Oo Taleex Qabsadsay, Axmed-karaash Oo Eryanaya Col-Indhasheel iyo Ciidan-beeleedkiisii+Dad lagu Laayey Taleex Iyo Xaaladda Oo Cakiran

Ceerigaabo(Waaheen) kaddib dagaallo u dhexeeya malleeshiyooyin kazoo wada jeeda gobolka Sool haseyeeshee kala taageersan siyaasadaha Khaatumo iyo Puntland maalintii shalayto ka bilawday Degaannada Taleex oo katirsan gobolka Sool.

Waxa saaka dhinaca magaalada Garoowe kazoo ambabaxay M/weyne-kuxigeenka Puntland C/samad Cali Shire oo wata gaadiidka teknikada iyo ciidanka PS-ta loo yaqaanno. Waxana Generaal-C/samad iyo ciidankiisu weerar ku galeen gudaha magaalada Taleex oo ilaa xalayto uu ku sugnaa Col-Indhasheel iyo ciidan-beeleedka dhiniciisa taabacsan ee uu hoggaaminayo.

Col-Indhasheel iyo ciidankiisa oo iyaguna ku war helay duullaanka C/samad Cali Shire iyo ciidankiisa ayaa waxay halkaas uga bexeen ayaa waxay Taleex uga bexeen dhinaca buuraleyda galbeedka.

Waxana weerarka ciidanka Garoowe kaga yimid Taleex ku galeen sidaa inkastoo aan xaqiiqada welila helin wararka hordhaca ahi sheegayaan ay ku geysteen khasaare dhimasho ilaa (7) qof iyo dhaawacyo aan tiradooda la sheegin iyo khasaarayaal kale

Dhinaca kalena Col-Indhasheel iyo ciidankiisa ka baxay Taleex ayaa wararku sheegayaan in ay buuraleyda kaga daba tageen ciidan-beeleedyo kale oo uu hoggaaminayo Axmed-karash kuwaas oo ilaa shalaytoba dagaallo goos-goos ahi degaannadaas ku dhexmarayeen ciidan=beeleedkan Col-Indhasheel wato

Halkaasoo sida la sheegayo dagaal kulul oo dhex maray kaddib Col-Indhasheel iyo ciidankiisa loo eryadey dhinaca degaanka Laasacurdan.

Sikastaba ha ahaatee dagaalladan ka bilawday degaannadan gobolka Sool oo ay kala hoggaaminayaan saraakiil iyo madax sar-sare oo dhammaantood isla beeshan kazoo wada jeeda ayaan la saadaalin Karin halka ay sal dhigi doonaan iyo saamaynta xaaladdan cakirani ku yeelan doonto bulshada isku haybta ah ee dagaal-beeleedyadani ka dhex qarxeen.

 

Waaheen.com/Ceerigaabo Office.