Hanti-dhawrka oo galay xarunta Wakaaladda Biyaha Burco

0
86

Burco(Waaheen) Shaqaalaha Xafiiska Hanti-dhawrka guud ee Qaranka ayaa galay xarunta Wakaaladda biyaha Burco, halkaas oo ay ka soo gurteen buugaagtii xisaabaadka.

Wariyaha Gobolka Togdheer ee Waaheen oo la socday dhaqdhaqaaqa Hanti-dhawrka ayaa ku soo waramaya in koox gaar ah oo ka soo kicitintay Hargeysa ay doraad ku soo hoyden Burco si ay hawl-gal baadhiseed uga fuliyaan.

Wariyuhu waxa uu sheegay in ay maamulka sare ee wakaaladda isla habeenkiiba ku war-geliyeen baadhistooda, taasoo ay isla shalay hirgaliyeen isla markaana gacanta galiyeen nidaamka Xisaabeed ee wakaaladda.

Ma jirto illaa had acid ay iyo kiis ay ku soo saareen baadhistooda hase yeeshee waxa uu xusay in ay shalay u soo caraabeen dhinaca Hargeysa oo ay hawlahooda ku qabsan doonaan.

Hanti-dhawrka ayaa la filayaa baadhistiisan in uu ugu kuur galayo khilaafaad maamul oo ka taagan wakaaladda biyaha iyo Isu-duwaha Wasaaradda Macdanta iyo biyaha, iyadoo maalmihii ugu danbeeyey warbaahintu qoraysay warar sheegaya in ay jiraan xisaabo loo maamulay si aan haboonayn.