Arday u xaniban khilaaf maamul oo u dhaxeeya wasaaradda Waxbarashada iyo Arrimaha Dibeda.

0
102

Labada wasaaradood oo midiba mid u dirayso iyo Ardayda oo dhexdooda ku mashquulay

Hargeysa(Waaheen) Arday reer Somaliland ah oo waxbarasho u tagi lahaa dalka Itoobiya ayaa u xaniban khilaaf maamul oo u dhaxeeya wasaaradda Waxbarashada iyo ta Arrimaha dibeda Somaliland oo si wadajir ah u saxeexi jiray shahaadooyinka Ardaydaasi u qaataan dibedaha.

Wargeyska Waaheen oo shalay booqday Wasaaradda Arrimaha Dibeda ayaa la kulmay qaar ka mid ah Ardayda dhibaato kala soo deristay khilaafka maamul ee labada wasaaradood, waxaanay sheegeen in muddo badan ay ku dhex wareegayeen labada wasaaradood oo isku tuur-tuuraya masuuliyadii ka saarnayd waxbarashadooda, iyagoo ku dooday wasaaradda waxbarashadu in ay u soo dhamaysay saxeexyadii balse wasaaradda Arrimaha Dibedu ku cel celinayso wasaaradda waxbarashada, taasina ay keentay in ay ku dhex asqoobeen labadooda.

Dhibaatadda Ardaydaasi ka sheeganayso labada wasaaradood ayaanu wax ka weydiinay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha dibedda Maxamed Xasan Siciid, waxaanu sheegay in ay jirto arrintaasi isagoo ku dooday in shahaadooyinka ay Ardaydaasi sidato aanay ku Oolin meeshii ay ka saxeexi lahaayeen ee ay ku lahaayeen, isagoo taasna sabab uga dhigay wasaaradda waxbarashada oo meesha ka saartay.

Agaasime Maxamed Xasan oo ka hadlayey arrintaasina waxa uu yidhi “ arrintaasi waa mid labada wasaaradood ka wadahadlayaan oo beryahanba taagnayd, anagu wasaarad ahaan waxaanu ku lahayn saxeex, wasaaradduna sidaas oo kale, balse shahaadooyinka cusub ee ay wasaaraddu soo siiso Ardaydaas kuma taalo doorkayagii, waxaananu wasaaradda ka dalbanay in ay ku soo darto haddii kale dee meeliba noogama banana” ayuu yidhi

Agaasime Maxamed Xasan isagoo sii faahfaahinaya waxtarka ay Ardayda u leeyihiin wasaarad ahaan iyo sida ay isaga xil saaraan waxa uu yidhi “ Ardaydu waa Ardaydayadii wasaarad ahaan waxbarasho dibadeed baanu u doonaa oo kuwo aanu dhawaan u soo helnayba way jiraan markaa marka aanu hawshaa dhexdayada ah dhamayno ayaanu haddii ay noqoto doorkayaga fulin doonaan balse wali wasaaradda ayaanu ka war sugaynaa” ayuu raaciyey Agaasime Maxamed Xasan.