Weftigii Xukuumadda Somaliland ee Jabuuti tagi lahaa oo loo baajiyey sababo aan la garanayn iyo masuuliyiinta qaarkood oo madaarka laga soo celiyey

0
39

Weftiga Xukuumadda oo la sheegay sababta habsaamisay inay ahayd khilaaf dhexdooda ah

Hargeysa(Waaheen) Weftigii Somaliland ee ka koobnaa Wasiiradda iyo Taliyayaasha Ciidamadda Qaranka ayaa Shalay  ka habsaamay duulimaadkii Daallo kadib markii ay madaarka soo gaadheen goor danbe oo ay diyaaradii Hawada gashay.

Ilo wareedyo u dhuun daloola safarka ka baaqday weftiga Xukuumadda Somaliland ayaa sheegaya in uu jiray khilaaf dhexdooda ah kaasoo sababay in Wasiirka Arrimaha dibeda oo ka mid ahaa sadex cisho dib u dhigay, halka qaarkood-na ay doonayeen in ay isla shalayba baxaan. Sidoo kale Ilo wareedyo u dhuun daloola safarka baaqdey ee waftigan ayaa sheegaya in aanay haysanba tikidho iyo baasaabooro ay ku dhoofaan xubno weftiga ka mid ahi taasina keentay baaqashadooda. Si kasta ha ahatee baaqashada weftigii Xukuumadda ee Jabuuti tagi lahaa ayaa banaanka soo dhigtay hab-qan iyo maamul xumo hadhaysay, iyadoo la filayey inay waxbadani iska bedeleen safarada Xukuumadda ee sidan oo kale u dhici jiray tan iyo intii wasiirka cusub ee wasaaradda Arrimaha dibeda la magacaabay.

Dhacdadan ayaa fadeexad ku keentay Wefti dhan oo  dhoofi lahaa, waxaanay dadku la taabeen kadib markii weftiga oo hab-qan ah kolba qaar soo gaadheen madaarka halka Duuliyihii markii uu muddo sugay cagaha ka laabtay isla markaana sugi kari waayey.

Weftiga Xukuumadda oo Jabuuti laga sugayey ayaa diyaarad la’aan ku dhacay waxaanay dib ugu laabteen guryahoodii iyagoo hawshoo qaran kaga habsaamay waxaan la garanayn.

Weftigan oo ka koobnaa Wasiiradda Arrimaha Dibeda, Wershadaha, Arrimaha gudaha iyo labada Taliye Ciidan Ismaaciil Shaqale iyo C/laahi Fadal Iimaan ayaanu midkood-na soo gaadhi xiligii diyaaradu ku wargelisay inay madaarka yimaadaan.

Dawladda Jabuuti ayaa sugaysay weftigan hase yeeshee lama garanayo waxay yeeli doonaan marka ay diyaaradii ay filayeen in ay soo raacaan tagto iyadoo aanay la socon.

Duulimaadka ay weftigani raaci lahaayeen ayaa ahayd diyaaradda Daallo, waxaanay go’aansatay in ay ka dhaqaajiso maadaama ay iyagu ka habsaameen, wallow kooxdii soo gaadhay markii ay kacaysay wasaaradda ka dalbadeen in loo soo dejiyo hadana Duuliyihii umuu joojin dalabkooda.