Madaxweyne, Hooyada wanaagsani odaygeedana way wanaajisaa

0
67

 

Wacan oo wanaagsan dhamaantiin akhristayaal, horta waxa wanaagsan mar haddaynu nahay dad muslima oo dhaqan iyo diinle, inaynu kala ilaalino siyaasadda iyo maxasta, waa dumarka iyo caruurta’e.

Dal waliba dhaqan le, deegaan waliba dhaqn le, guri waliba dhaqan le, intaas oo dhanna waxa kala haga oo ilaaliya waa odayga reerka.

Dalka dhaqankiisa waxa ka mas’uula madaxweynaha, oo odayga ah iyo cidii uu la kaashanayo, deegaankana oday dhaqameedka iyo waalidiinta, gurigana waa aabaha iyo ooridiisa oo soo raacda. Waxaan intan dambe ee uu Siilaanyo wadanka ka madaxweynaha noqday inagu soo biiray dhaqan cusub  iyo in haweenkeenii inta la soo fadhiisiyo TV-yada ay halkaa isaga tiriyaan, oo iska caayaan, tiiyoo ay inoo horaysay in rag waaweyni guul u haysteen ama siyaasad, cayda dumarkii ay qabeen madaxdii dawladihii tan ka horaysay .

Waxaan aad ula yaabay xaaska madaxweyneheena, oo ku hadasha afka  odaygeeda had iyo jeer, oo furayso mashaariic ama dhagax dhigayso, iskuulo, shirar, waddooyin, loona soo dhaweynayo sidii ooy tahay madaxweynihii aynu dooranay,  dabcan waxay leedahay qadarin iyo xushmayn, laakiin malaha protocol-ka madaxweynaha xataa marka ay la socoto waa inay ka hadhaa, markuu salaan sharafta qaadanayo. Mana aha in  shaashadaha laga daawado ama ay dhex mushaaxdo siyaasadda iyo hawlihii odaygeeda loo igmaday ee uu isagu qaban lahaa.

Markaynu dib u jaleecno guri waliba dhaqan lehe, sadexdii madaxweyne iyo ku xigeenadoodii ina soo maray.

·         Alla haw naxariistee Cabdirahmaan Ahmed Cali, lama arag lamana maqal ooridiisa, waxana lagu xasuustaa dhawrsanaan iyo hooyanimo sharaf leh.

·         Ku xigeenkiisii Xassan Ciise Jaamac. Sidaa iyo si la mid ah, lamana arag lamana maqal, waxay ku sifowday hooyanimo iyo sharf.

·         Alla haw naxariistee Maxammad Xaajji Ibraahim Cigaal, wuxuu ahaa nin aanay ooryihiisu ka garab hadal, oo aanay hawlihiisa soo fara galin, waxaanay ku sifoobeen sharf iyo hooyanimo.

·         Daahir Rayaale Kaahin, wuxuu ahaa nin hawshiisa maamusha, oo aanay soo fara galin karin reerkiisu, inkastoo ay si aan fiicnayn u weerari jireen ma xishoodayaashu, haddana waxay ku sifowday hooyanimo iyo sharf.

·         Axmed Yuusuf Yaasiin  oo ahaa ku xigeenkiisii, lama arag lamana maqal waxaanay ku sifoowday hooyanimo iyo sharaf.

Haddaba, haddaan soo qaato madaxweynaheen iyo ooridiisa waxaad arkaysaa, dhaqan aan dalkeena laga aqoon inay inagu soo kordhiyeen, oo ah in dumarka la soo dhex galiyo siyaasada iyo hirdanka, lana adeegsado ood arkayso ruux dumara oo nin u jawaabaysa, ama wax ka sheegaysa, Subxaan Allaah.

Waxa ka sii daran, shimbirba shibirkiisuu la duulaaye, dumar badan oo ku xeeran madaxtooyada, inay yihiin intii ragooda iyo ubadkoodaba daayacay, oo ay ciil iyo cadho kaga dhinteen ama if iyo aakhiraba seejiseen, illaa ay ka takhaluseen,  oo mid qudha oo duco qabtaa aanay ku jirin, waana intaa inta if iyo aakhiroba seejisay islaanta, oo magaca odayga iyo sharaf midna aan dan ka lahayn.

Waxay maalin dhaweyd tagtay Gabiilay iyo Wajaale, iyadoo u socota arrimo siyaasadeed, waxa loo soo dhaweeyay sidii ay tahay madaxweynihii dalka, kaaga sii darane waxay ku tiiraabtay, Waajaale waxay nagaga taalaa wadnaha, waa halkii calankii UDUB eyda ku xidhay, horta hadalkaasu maaha kii ruux dumari odhan lahayd, haddii inuun xishood jiro, siiba xaaska madax weynaha, waayo maanta wadanka iyagaa ka madaxweyne ah, hadday garanayaan,  udub iyo ucid-ba  iyagaa u ah madaxweyne, dalkoo dhanna mas’uuliyadiisu saaran tahay. Waxaanay ahayd in la fahamsiiyo, in udub, ucid iyo kulmiyeba yihihiin sadex xisbi, oo ay ku kala jireen dad walaalo ahi, tartan walaalnimo uuni ka dhexeeyay, oo aanay colaad halkaa gaadhaa ka dhaxaynin, haddiiba ay dhacday oo qof wax ma garato ihi sameeyayna, maanta inay ka khajisho, oo ay u sheegto dadkaa wax ma garatada ahaa, ee sidaa yeelay in aan arrintu halkaa gaadhsiisanayn, ee tartan uun xaalku ahaa, loona noqon bay ahayd, waxaynu ognahay Siilaanyo iyo Xaaskiisu, in aanay colaadoodu ku koobnayn Daahir Rayaale iyo dawladiisii uun, ee colaada ugu weyni tahay xisbigii udub iyo cidii aasaastay oo ahaa madaxweyne Cigaal, markii ay doonayeen shir beeleedka, Siilaanyona kaba fadhiistay siyaasada, markuu la tartami kari waayay Cigaal, marka ay ku tiirabayso udub, waxa uu afku ka xadaa nacaybshaha ay u qabaan ilaa asaaskii Cigaal aasaasay xisbiga iyo intii la dhistayba.

Xaaska Siilaanyo, hadday hooyo wanaagsan tahay oo Ilaahay baday inuu Siilaanyo arrinkeeda naf moodo, waxy ahayd inay dad wanaagsan oo xumaha iyo samaha u kala sheega kaxaysato ama urursato, waayo ceebtu hadhaw waxay ku hadhaysaa uun iyada iyo odaygeeda oo taariikhda ku galaya.

Dhadhama raacyadan hadda wadnahay dhagle la qaadayaa, ifkana magac xumo ayuun bay u soo jiidayaan aakhirona cadaab, waanay ka yaacayi doonaan maalintuu xaal is badalo.

Waxa lay sheegay in aanu tukan salaad, kubkiisana wayso marin Siilaanyo 60 sano oo ay ooridiisa ahayd, hawlo kale oonu qarsan jirinana u dheeraayeen, waligeed kamay ashkatoon oo lama maqal odaygan ila qabta, oo Ilaahay ha ka yaabo, oo waxan ha joojiyo oo salaada ha tukado iyodoo le, hooyada wanaagsani marka hore iyaadaa la talisa ninkeeda, oo xataa gaadhsiisa haddaad sidan badali waydo waan kaa tagayaa, aniga iyo ubadkana na ceebayn maysid, hadduu maqli waayana tolkii u soo ban dhigta, oo tidhaahda  Allaahu Maa Balqtu.

Markaa maanta waxaynu u baahanahay in aynu dhaqankan ka hadalno, oo aanay dumarkeenu iyo hablaheenu waa cawra’e, u qaadan sidanu inay tahay sidii saxa ahayd, mas’uuliyaddooduna inakay ina saaran tahay. dadkiina waxaad moodaa inay suuxsan yihiin, oo xuma kastooy arkayaan ay daawanayaan.

Culimada iyo madax dhaqameedka, waxa garadka iyo dhalinyaradaba, waxaanu leenahay dumarka inta aan fiicnayn aynu iska qabano, oo farta ku fiiqno kuna soo dabaalno dariiqa saxda ah,  haddii kale waxaynu noqonaynaa doofaarkii ficil li’ida loo cadaabayay.

Wa Billaahi Towfiiq.
Eng. Ahmed Mohamed Omar