Qabyaaladda dhismaha Wadooyinka

0
71

Dhibaatada qorshe xumada ah ee dalka ku habsatay waxay tahay in
qabiilooyinkii tartan la geliyey oo wadankii isku mar laga bilaabay 9
wado oo mid waliba qabyaalad salka ku hayso. Waxaana xaqiiqa ah inaanu
 qabiilna keligii aanu awood u lahayn inuu wado samaysto.Waxa iyana
xaqiiqo ah in dadku aanu  lacag ku bixineynin wado qabyaaladi hoosta
kaga lifaaqan tahay.
 
Waa fududahay in siyaasiyiinta kursi doonka ama dhaqaale doonka ahi ay
meelo badan dhagxaan dhigaan ama si dhib yar u yidhaahdaan waxaan
dhisayaa mashaariic waaweyn oo laga yaabo inaanu fikradba ka haysan
culayska dhaqaale ee mashruucaasi leeyahay iyo waqtiga lagu fulin
karayaba.
 
Beryahan danbe waxaynu marar badan maqalnay wasiir ama masuul sare oo
leh wado heblaayo ayaa la dhisayaaye lacag halasoo ururiyo ama halaga
qeyb qaato. Hadaba markaynu tusaale usoo qaadano wadada ceerigaabo oo
dhererkeedu ku dhow yahay 350km waxay u baahan tahay dhaqaale ku dhow
60 ilaa 70 Million$ marka la rabo in laga dhigo wado laami standard
ah. Markaa suuragal maaha wadada dhaqaalaha intaa leeg u baahan in
lagu dhisi karayo lacag yar oo laga soo ururiyey 100 qof oo xaflad
laysugu keenay ama caruurta iskuulada dhigata. Tusaale waxa kuugu
filan kulankii dhowaan 16/11/2013 lagu qabtay London ee qaadhaanka
loogu ururinayay wadada Ceerigaabo, lacagtii meeshaa lagu ururiyey
waxay dhaafi weydey 10 kun oo Dollar.
 
Dhanka waqtiga markaynu eegno waddo dhererkeedu yahay 350km oo laami
ah waxay u baahan tahay muddo aan ka yarayn 10 sano marka qalabkii iyo
alaabtii dhismuhuba aanay maalin qudha kala go’in. Markaa suuragal
maaha in waddo u baahan in lagu dhiso ugu yaraan 10 sano uu nin
siyaasi ah oo laga yaabo sanad ama laba sano oo danbaba inaanu meesha
sii joogin uu yidhaahdo wadada ceerigaabo ayaan dhisayaa.
 
 
Guntii iyo gebabebadii warkan ku saabsan dhismaha wadooyinka ee dadkii
lagu dawakhiyey waa riyo aan run ahayn iyo laab la kac aan lugo ku
taagnayn.
 
Dr.Ali Rooble
Oslo-Norway