“Cali Warancadde hadii aanu garanayn Hargeysa-dan quruxda badan iyo kursiga uu ku fadhiyaa qiimaha ay shacbiga Somaliland ku joogaan saw ayaan darro maaha” Cali Guray

0
62

WAXA FURAN IN LA DIIDI KARO YEEL
caliGeelu kaynta cosobka leh wuu iska daaqaaye garan maayo se qiimaha ay ku joogto ninka daajinaya balse isagaa u sheega oo wuxu yidhaa:
KAYN XABADO BADAN
OO RAG KU XARBIYAY
OOY XINJIRI TAAL
XAAYAAD OLOLAAY
Cali Warancadde na haduu sida hashaa noqdo oo aanu garanayn Hargeysa dan quruxda badan iyo kursiga uu ku fadhiyaa qiimaha ay shacbiga Somaliland ku joogaan saw ayaan darro maaha. Xisbiyada mucaaridka ahi dood qaran ma qaban qaabin karaan in laga xishoodaa bay ahayd hadii halgankii dibu xoraynta Somalland iyo ruux dastuurka( spirit of the constitution) inta ugu yar la ixtiraamayo. Bal dib u eeg maansadii daalalay:
TOBAN DAAWO LALA GALO
DEREJIYO XIL LAGU TAXO
AMA DUUNYO LAGU QUBO
UMA KORIN DARMAANTEE
WAXAN DUULAN U CUSKADAY
INAAN DUUG KU HUBIN KARO
INAAN DAAHAN GARAN KARO
MADAL IYO SHIR ILA DA’ AH
INAAN DOOD KA ODHAN KARO
DIBNAHAYGA BARI KARO
IN LA DIIDI KARO YEEL

Imika xaalku ma wuxu joogaa iska daa sharciga oo yeel waxan doono. Hadii ay sidaa tahay waxa furan saw maaha IN LA DIIDI KARO YEE