Dhakhaatiir Doolar halamsata iyo Macalimiin Macaan-jecel noqotay…..

0
127
Waxa aan soo bandhigi doonaa qormooyin taxane ah oo ka tarjumaya xaalada ay marayaan musuq-maasaqa iyo daryeel la’aanta shacabka hadhaysay.Sida caafimaadka iyo waxbarashada gaarka loo leeyahay ay xadhkaha u goosteen,xukuumaduna ugu fashilantay xakamayntooda.
Aadamiga waxa ugu qaayaha badani waa naftiisa.Waana inuu helo wax-yaabaha aasaasiga u ah noloshiisa.Waxaana ugu horeeye caafimaad,biyo,nabad iyo waxbarasho.Hadii uu intaa heli waayo ma gaadhi karo himilooyinkiisa iyo hiigsiga nololeed.
Waxa garab socda in la helo dawlad u adeegta shacabka oo ka daryeesha baahiyaha aasaasiga u ah nolosha ee aan kor ku xariiqay.Waa inuu jiraa qorshe u danay-naya shacabka gaar ahaan danyarta,caruurta iyo naafada.
Hirgelintooduna waxay laf-dhabar u tahay horumarka dalka iyo kobcinta kor u qaadista aqoonta shacabka.
Hadaba waxa ayaan darro ah inay dawlada maanta hogaamisa dalka iyo kuwii ka horeeyay-ba ay ku fashilmeen inay xoogga saaraan wax-yaabaha aasaasiga u ah nolosha shacabka oo ay shacabka u adeegaan.Taana waxay ka door bideen inay iyagu isu adeegaan oo ay noloshooda gaar ahaaneed daneeyaan.
Qaab-maamulkan dawlada Axmed-siiraanyo ay ku hogaamiso dalka ayaa keenay shacabku waayo:
1.Caafimaad lacag la’aan ah.
2.Biyo lacag la’aan ah.
3.Waxbarasho lacag la’aan ah.
Baahiyahan shacabku ka waayay xukuumadii uu doortay ayaa abuurtay inay dalka ku fidaan caafimaadka gaarka loo leeyahay iyo waxbarashada gaarka loo leeyahay.Biyaha oo rajadii shacabku ka qabay gudhay.
Hadaba aan iftiimiyo dhibaatooyinka iyo musuq-maasaqa ka dhashay caafimaadka iyo waxbarashada gaarka loo leeyahay ee dawlada iyo golaha sharci dejintu aanay sharciba u samayn.
Caafimaadka:
Marka hore aynu eegno dastuurku waxa uu ku waajibiyay xukuumada:
QODOBKA 17AAD
CAFIMAADKA
1.            Dawladdu iyadoo fulinaysa siyaasadda daryeelka caafimaadka guud, waxa waajib ka saaran yahay ka-haqab-tirka dalka qalabka ka-hortagga cudurrada faafa, helitaanka daaweyn lacag Ia’aan ah iyo daryeelka fayo dhawrka guud.
2.            Dawladda waxa xil ka saaran yahay horumarinta iyo baahinta adeegyada caafimaadka iyo xarumaha daryeelka caafimaadka ee gaarka ah.
             Qodobkan waxa ku cad firqadiisa 1aad inay dawladu fuliso helitaanka daaweyn lacag lacag la’aan ah.Balse shacabku kama hayo dawlada Axmed-siiraanyo,waabay uga sii dartay danyarta oo cusbitaaladii dawladu waa kuwa ugu qaalisan hadana mucaawino ku hela qalabka caafimaadka iyo dawooyinka.Tusaale waxa inoogu filan cusbitaalka hargeysa(Hargeisa Group Hospital),weliba itaalka nadaafadiisu leedahay waa xaalad werwer kugu abuuraysa.
              La soco…….
              Xuseen Xasan Badmaax
Hargeysa/JSL