Shil dhimasho iyo dhaawac sababay oo galabta ka dhacay maqaaxida Inanta

0
98

Hargeysa(Waaheen) alla ha u naxariistee waxa shil baabuur oo galabta ka dhacay deegaanka Maqaaxida Inanta ee Galbeedka Hargeysa ku mgeeriyooday Maxamud Aw Siciid iyo dhawr qof oo kale, halka tiro intaa ka badan oo dhaawac ahina ay soo gaadhay dadkii saarnaa laba baabuur oo midi leedahay Shirkadda Somcable ka kalena uu ahaa Dyna.
Illaa hada lama oga khasaaraha rasmiga ah ee shilkaas ka dhashay hase yeeshee waxa Meydadkii iyo dhaawaciiba loo soo daad gureeyey Cisbitaalka hargeysa halkaas oo lagu daweynayo, waxaana gacanta ku haya ciidamadda Booliiska.

shilka galabta dhacay waxa ay dhaawacyo halis ahi soo gaadheen laba kale oo ka mid ah shaqaalaha shirkadda Somcable kuwaas oo kala ah Cumar Saalax iyo nin kale oo magaciisa la yidhaahdo Sawaaxilli

 wixii war ah ee ka soo kordha khasaaraha shilkaas oo aad u baaxad weyn waxaad ka akhrisan doontaan waaheen