Saleebaan Gaal iyo Garabka Muuse oo rajo la’aan ku kala caraabay iyo xaaladda Kulmiye oo sii murgaysa

0
48

Hargeysa(Waaheen) sida Wargeyska Waaheen cadadkiisii shalay idiinku soo gudbiyey waxa Habeen hore Guriga Guddoomiyaha Golaha Guurtidda Saleebaan Maxamud Aadan ku kulmay gudidii ku guda jirtay arrimaha Kulmiye ee abuuray in go’aan aan loo fadhiyin xisbiga lagu saleebaan gaaldhex tuuro, kuwaas oo wali ku hawlan meel marinta hindisahoodii iyo Garabka Muuse Biixi oo uu ka mid ahaa Wasiirka Ganacsigu.
Ilo wareedyo kulankaasi u dhuun daloolay ayaa Waaheen u xaqiijiyey in uu rajo la’aan ku dhamaaday kadib markii Muuse Biixi uu guddida u bandhigay in uu fara madhan ka joogo arrimo loo diray oo ay ka mid ahaayeen in uu hawlihii Xisbiga dhaqaajiyo isla markaana soo qanciyo Garabka kale ee ka soo horjeeda si shirweynihii Xisbiga loo qabto.
Guddoomiye Saleebaan iyo Kooxda ku wehelisa arrinta Xisbiga Kulmiye ayaa u arkay in aanay talo ka sugin Garabka Muuse maadaama oo aanay wax horumar ah ka samaynin in ay hawlaha Xisbiga u maamulaan sidii la doonayey waxaana u dhaadhacday in awooda Xisbigu dhinaca ka soo horjeeda u badan tahay isla markaana aan la dhayalsan Karin go’aamadii toddobada ahaa ee ay u gudbiyeen isaga iyo Madaxweynahaba.
Wallow aanay Saleebaan iyo kooxdiisu illaa hada soo saarin talaabo kale oo ay xal ugu helayaan khilaafka Xisbiga Kulmiye hadana waxa warar hoose waaheen u sheegeen in ay u badan tahay in ay adeegsadaan Tab iyo Xeel kale oo ay isaga gufeeyaan hawsha ay dhex dabaasheen oo ah mid Gun dheer isla markaana ay adagtahay sida loo dhameeyaa.
Ilo wareedyada dhaqdhaqaaqa kooxda Saleebaan la socota ayaa sheegaya in isla habeen horeba ay isku dayeen talaabo aan ka fogayn tii Xisbiga dabka ku shiday, waxaanay xoguhu sheegayaan in Saleebaan u yeedhay C/kariin Xinif oo ka mid ah kooxda uu Muuse ka caagay in uu Gor-gortan kala galo in uu aqbalsiiyo go’aankii Madaxweynaha iyo Beeshiisu ugu cumaamadeen in looga hadho Guddoomiyanimada Xisbiga Kulmiye, taasoo ay hor taalo qoddobo nasakhaya awoodiisa Guddoomiyanimo.
Xinif ayaa la sheegay in laga dalbaday in uu isku keeno Guddoomiye Muuse Biixi iyo Wasiir Samaale, maadaama Muuse iyo kooxdiisu ku dhici waayeen in ay u tagaan Samaale iyo Garabkiisa, waxaana loo bandhigay in uu sida ugu dhakhso badan isugu lad-qabeeyo labada dhinac.
Sidoo kale, ila wareedyadu waxa ay sheegeen in laga codsaday in uu Maxamed Kaahin uga tanaasulo Guddoomiye ku-xigeenimada Xisbiga Kulmiye oo uu damac kaga jiro haddii tartan loo galo in uu isla sharaxo, haddii kalena uu diidan yahay in lagu maamuuso.
Qoddobada Xinif lagu gudbay ayaa wararka aanu helaynaa ay sheegayaan in aanu midkoodna aqbalin isla markaana uu isaga riixay Muuse iyo Samaale haddii ay gaar isu doonayaan in aanay is-waayeyn haddii xal kale la doonayana ay tahay in la fuliyo shuruudaha ay soo dhigeen sida Muusaba loogu lisay.
Si kasta ha ahaatee kulankii ugu danbeeyey ayaa ku dhamaaday guul-daro cidhib xumadeedu wali dul saaran tahay  cidii faragalisay hawlaha Xisbiga