Guddoomiyaha Golaha Wakiilada oo sheegay inaanay ku-xigeenadiisu bedeli karin Go’aankiisii isku-shaandhaynta

0
115

14594Hargeysa(Waaheen) Guddomiyaha Golaha Wakiilada ee Somaliland Cabdiraxman Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa Sheegay in aan waxba laga badaleynin  Isku shandhanta Guddi  hoosadyada golaha wakiilada ee dhawaan uu isku badeley, waxaanu xusay in Shirguddonku u dhanaa  isku Bedelka  Guddi  hoosadyada.

Siddaasi waxa uu ku sheegay Mar uu Khadka Telefoonka ugu waramayey Telefeeshinka  Caalamiga ee HCTV oo khadka Telefoonka kula xidhiidhay isaga oo Jooga Wadanka Finland.

Waxaanu yidhi “Xeer hoosadka Golaha wakiiladu waxa uu tilmaamaya in laysku shandhayn karo guddi hoosadyada,kaasi oo uu  isku shandhan karaan  guddomiyaha iyo shirguddoonkuba, go’aankasi hore ee laysku shandhaynayey shirgudoonka oo dhan ayaa wada qaatay in golaha laysku shandheyo waa arrin banaan oo uu xeer hoosadku ogol yahay, haddii wax la ilduufay waa la sixi karaa oo wax dhibaato ahi ma jirto, dee wixii la ilduufayna waa la saxayaa, isku shandhantuna way jiraysaa insha Allaha.”Ayuu yidhi Guddomiyaha Golaha Wakiiladu.

C/raxman Isbtoore

Waaheen Media Group

Hargeysa, Somaliland