Madaxweyne Siilaanyo oo Agaasimayaashiisa ka dalbaday inay ka Moosaan Dhaliilaha Mucaaridku usoo bandhigaan

0
130

2Hargeyska(Waaheen) Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta xarunta madaxtooyadda kulan balaadhan kula yeeshay Agaasimeyaasha guud ee wasaaradaha dalka.

Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu kulankaasi ka jeediyay khudbad uu kaga waramay waajibaadka shaqo ee wasaaradaha, waxaanu tilmaamay in agaasimeyaasha guud yihiin mishiinka wasaaradaha ee laga doonayo hawl-maalmeedka iyo qorshaha shaqadda.

Madaxwaynaha oo Agaasimayaasha la dardaarmayaana waxa uu yidhi “Wasiirka xilal badan-baa saaran oo guddiyo faro badan ayuu ku jiraa, laakiin Wasaaraddu cidday ku socotaa waa Agaasimaha Guud, ogaalkana ah, hawsha had iyo jeer u furfuran, wadashaqeyntuna aad iyo aad ayay muhiim u tahay, marka wadashaqeyn fiicani jirto ee aan la isku xad-gudbaynin oo Agaasimihu la tashanayo Wasiirkiisa ee uu ka dhageysanayo, ee uu waxa siyaasadda guud ah ku shaqeynayo”

Madaxwayne Siilaanyo, waxa kale oo uu sheegay “Agaasimayaashu, waa kuwa hawsha qaranku ku socoto, ixtiraam iyo qadarinna way ka mudan yihiin qaranka, hawshana in ILAAHAY kuligeen inoo fududeeyo ayaan ka baryayaa” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Waxaan Jecelahay in tayeynta shaqada lagu dedaalo, haddii goor hore la isaga rawaxo shaqada, cidda ku ilaalinaysa shaqada (Shaqaalaha) waa Agaasimaha, waayo wasiirku wuxuu inta badan ku maqan yahay gobollada ama awaamiir kale, oo shaqadiisu waa siyaasi, laakiin Agaasimuhu waa xaqiiqo ahaan waa Madaxa Wasaaradda, markaa waxaan jecelahay in wadashaqeyn iyo wadatashi ka dhaxeyso ninka Wasiirka ah ee siyaasiga ah iyo ninka Agaasimaha guud ah, Agaasimuhuna sidaa xilkiisa haku ogaado, annaguna sidaas ayaanu kaga war-qabeynaa Isha Allaah”

1Madaxwaynaha Somaliland, waxa kale oo uu ka hadlay dhaliilaha xukuumadda kaga yimaada Mucaaradka iyo sida ay Agaasimayaasha waajibka ugu tahay inay umadda u soo bandhigaan waxqabadka iyo xaqiiqada taala xafiisyadooda “Marka siyaasadda laga hadlayo, waad aragteen oo intaa dibadda waa la innagu garaacaa, waa musuqmaasuq, Waa Balaayo iyo dhibaato ayaa la yidhaahdaa, cidda hawsha ku shuqul lihi waa Agaasimayaasha Guud, ma lihi Agaasimayaashu ha qaataan doorkii siyaasadda, laakiin cidda warka bixinaysa ee xog-ogaalka ahi waa agaasimayaasha, markaa Farsamo-yaqaano uun ha noqonina ee hogaamiyayaal ayaad tihiin, dadkii qaranka ka talinayey ayaad tihiin, waxgaradkii ummadda ayaad tihiin oo xilbaa idinka saaran, taana waa inaad xilkiina ka soo baxdaan, annaguna diyaar ayaanu idiin nahay inaanu talooyinka idinka qaadano”ayuu yidhi