Khilaafka Somaliya oo cirka isku sii shareeraya iyo Amisom oo faragalinaysa

0
132

Muqdisho(Waaheen) Afhayeenka ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM Col. Cali Aadan Xumad oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay khilaafka ka dhex aloosan madaxda dowlada qaarkood gaar ahaan madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha.
Col. Xaamud ayaa sheegay in khilaafkan uu yahay mid nasiib daro ah oo carqalad ku noqon kara horumarka shacabka Soomaaliyeed ay higsanayaan.
“AMISOM waxay diyaar u tahay iney ka qeyb qaadato xalinta khilaafka madaxweynaha iyo raisul wasaaraha intii karaankeed ah” ayuu intaa ku daray afhayeenka AMISOM oo sii hadlayey.
Mar wax laga weydiiyey qaabka ay dhexdhexaadinta u galayaan ayuu sheegay afhayeenku in saraakiisha AMISOM iyo wakiilka midowga afrika ay galabta kulamo la qaadan doonaan madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha ayna kala hadli hadlayaan arrimaha khilaafka iyo sidii loo xalin lahaa.
Hadalka afhayeenka AMISOM ayaa ku soo aadaya xili uu cirka isku sii shareerayo khilaafka ka dhex aloosan madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha dalka, kaasoo illaa hadda aan loo helin xal kama danbeys ah.
Waxaa shalay kulan qaatay 2 saacadood ku yeeshay Xarunta madaxtooyada Villa Somalia Madaxweyne Xassan Shiikh & R/wasaare Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) oo khilaafkooda galay maalintii 6-aad, waxaana kulankan oo ay soo qabanqaabiyeen Xildhibaano labadda dhinac u kala dabqaadayey la filayey in Xassan Shiikh & Saacid ay isaga soo dhowaadaan halkii ay horay u kala taagnaayeen ee aheyd qir & qirta, hase-ahaatee waxaa muuqata in kulankani uusan horseedin wax isbeddel ah.
Warar ku dhowdhow kulanka ayaa sheegaya in Xassan Shiikh uu weli taagan yahay goáankii uu ku dalbanayey is-casilaada R/wasaaraha. Halka R/wasaaruhu isna la sheegay inuu madaxweynaha si toos ah ugu sheegay in uusan u hogaansami doonin is-casilaada uu dalbaday Madaxweynaha, uuna ka xigo in ay baarlamaanka hortiisa ku kala baxaan
Sida lagu helayo wararka Raa’isal Wasaare Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid”, ayaa wuxuu Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, uu ka codsaday in ilaa muddo seddex bilood ah, dib loogu dhigo waxa ay isku hayaan markaas ka dibna loo dhameeyo .
Jawaabta uu madaxweynha ka bixiyey ayaa lagu sheegay arintaasi in ay noqotey Midii uu hore uga taagnaa Raa’isal Wasaaraha ee aheyd in uu yahey fadhiid howsha Xukuumadiisa, isagoo sheegay in Dowladda ay horyaalaan shaqooyinka culus, oo uu sheegay in la doonaayo in ay meel mariso markii laga Gudbo qilaafka hada jira ee la soo afjaro.
Raa’isal Wasaaraha Soomaliya ayaa kulankaas kaga codsaday in la hakiyo waxa ay isku hayaan, isla-markaana uu la imaan doono wax qabad ballaaran, lana siiyo muddo sedex bilood taas oo madaxweynha uu ka aamusay in uu ka jawaabo .
Sidoo kale Dr R/Wasaare Saacid ayaa tilmaamay waxqabadka Xukuumadiisa, ayaa hadana sheegay in uu sii laba laabi doono, isla-markaana uu ku baaqaayo in muddo bilooyin hor leh loogu daro waqtigiisa hada gabaabsiga ah si loo hakiyo waxyaabaha, ay isku hayaan Madaxweynaha.

Ugu danbeyntii ayuu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, dhankiisa sheegay in ay adag tahay, sidii waqti dheeraya oo dambe ay ku sii shaqayn laheyd Xukuumada,hada jirta, ka gadaal markii uu sheegay inaanay jirin, wax kalsooni ah oo ay u hayaan xitaa Golahiisa Wasiirada, intoodu badan.
Sidoo kale Madaxweynaha, wuxuu sheegay in ay ka go’an tahay in isbedel lagu sameeyo Xukuumada, taasina ay ku imaan kareyso iyadoo uu shaqada isaga huleelo Wasiirka 1-aad.
Madaxweyne Xasan ayaa qaba in khilaaf ka ka dhex jiro Dowladda, in ay dib uun u sii dhigeyso hawlihii adkaa, ee la doonaayay in ay wax ka qabato Dowladu.
Si kastaba ha-ahaatee Madaxweynaha, ayaa markale Raa’isal Wasaaraha Xukuumada weydiistay in uu ka tanaasulo Xafiiska Shaqada, si uu u soo magacaabo bedelkiisa. Inkastoo uu Saacid markale ka biyo diiday soo jeedinta Madaxweynaha.
Haddii Raa’isal Wasaare Saacid uu ka biyo diido in uu tanaasul la yimaado, ayaa waxay sheekadu isugu soo biyo shuban doontaa, in Xukuumadiisa codka kalsoonida loo weydiiyo Baarlamaanka.
Xasan Sheekh, oo ay ka go’an tahay in uu bedelo Wasiirka 1-aad ee Xukuumada, ayaa iminka xusulduub ugu jira, sidii uu u kasban lahaa taageerada Xildhibaanada Baarlamaanka, oo uu beel beel u qaabilaayo.
Xafiiska Madaxweynaha, ayaa u yeeraaya Xildhibaanada Baarlamaanka ee dibadda ku maqan, iyadoo qaarkood ay bilaabeen in ayba dib dalka ugu soo laabtaan.
Khilaafka u dhaxeeya Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Raa’isal Wasaare Cabdi Faarax Shirdoon, ayaa wuxuu galay toddobaadkiisii labaad.