WASIIR XISRI MA AWOOD, MISE KARTI..!? C/xakiim Axmed Cali (Hindi) Qalinmaal Group

0
108

Aadamigu taariikh ahan weligeed way dareensyanayeen in xiqdiga iyo xasadku yahay astaamo aanay lahayn dadka sharafta iyo caqliga wanaagasani.

Iyadoo dadka wanaagsan ee dadaalka iy waqabadka leh loo yeelayo xuman iyo dhaleecayn waa akhlaaq aan wanaagsanayn  oo dhaawacaysa walaaltinimada iyo iskashi islaanimo.

Kan iska dhawaaqaya iyadoo ay yar tahay hadalkiisa iyo xidhiidhka ka dhexeeya fikirkiisa waa mid u badheedhaya denbi iyo akhlaaq xumo. Hadalka wanaagasani nacab iyo nasteexba wuu u wanagsan yahay wuxuuna muujinaya akhlaaqda qofka hadlaya iyo sida caqligiisa u adeegsanayo ugana faa’iidaysanyo..

Dadka caadaysta erayada wanagaasan weligood lama naco, waxa ka soo buqrdaana wa xikmad iyo waxtar. Haddii kan la dhaleecaynaya uu iska dhafo af-xumida ay wadaan, kuwan akhlaaqda hoose lihi , maaha in xumaantii la aqbalay ee waa nafta oo laga adkaanayo, lana barayo sabirka iyo dulqaadka.

Waxa wanaagsan qofna in anu isku xidhin nasiibka nolosha iyo dareenka uu ka qabo dadka kale, taasi oo laga yaabo inuu isagu fashilmay halka ay kuwo kalena ka guulaysteen dib u dhacna ku yimi halkii uu horumar ka samayn lahaa. Wuxu la rabaa qof  kasta khasaare  taasina ay sababayso adeegsi la’aanta xikmadda waxaana ka buuxsamaya xasad iyo xiqdi badan …

Maalin kasta waxaad arkaysaa ama akhriyaysaa kuwo leh Xirsi waa wasiir awood badan… mana jirto ilaa hadda maalin qudha oo aan maqalnay ama akhrinay wasiir ama madax kale oo uu xirsi magacaabay, kana baxsan awoodiisa wasiirnimo.. Haddii aad weydiiso oo aad tidhaa sideed ku cadanaysaa waxay kugu jawaabayaan waa sida la igu yidhi.. oo sii tii la lahaa Wararkaba sheegayay …. Si dhib ayay dadku u gefayaan, iyagoo inyar oo dan lihi debinka beenta ku ridayso…

Wasiir Xirsi waa wasiir karti leh ee maaha wasiir haya awoodiisa wasiirnimo wax ka badan… laakiin waxa muujiyay waa kartida, taasina oo ayanan u baran qof dadaal badan.

Islaamkuna wuxu qiray in waaritaanka bulshooyinku uu ku xidhan yahay hadba sida akhlaaqda guud loo ilaaliyo.. haddii akhlaaqdu burburto umaduhuna way burburaan…

Beentu waa xumaan cadanysa fasaadka qofka sheegya waxayna shark u tahay bulshada , qofkana waxay ku noqonaysaa denbi haddii aanay jirin baahi ku keliftay. Rasuulka Allaha (scw) sheegay in aan qofka mu’minka ahi noqon Karin beenaale.

Xaasidku waa mid g’oaan yar, gacan adag, oo aan kalsooni lahayn….Taasi ayaa keenaysa marka fursaduhu dhaafaan in shirqool iyo xumaan ku dhaqaaqo inta wakhtiga ka faa’iidaysanaynsa. Isagoo af iyo addinba kaga hor imanaya. Gabayagii carbeed ayaa isagoo ka hadlaya wiil dadaal badan yidhi:

“ Way xaasidayaan wiilka, markii ay gaadhi waayeen dadaalkiisa”

Cantrah oo isna ah gabayaa Carbeed oo caana aha ayaa yidhi:

“ Xasadku kuma qaado meel sare, cadhadana laguma gaadho guul sare

Labada Gabay iyo xadiiska Kitaabka (Khuluqul Muslim, ee Maxamed Qasaali)

Waxa loo baahan yahay in maskaxada laga faa’iidaysto oo hadalka badan ee beenta iyo dhawaaqa aan xasad mooyee xikmad lahayn la iska dhafo.  Oo Yaan la noqon :

“ Hadal been ah dheg Been ah ayaa lagu dhegaystaa”

Waxaynu u baahan 100 Xirsi la mid ah si hamigeenu u rumoobo…