Tixdii Hodan hal-dhaa Waxa Curiyey Abwaan Cali Dhanaaniye

0
160

30-11-2007

kgMaansadi waa maansadii labaad ee aan u tiriyo gabdhaa Hodan ee uu na dhex maray jacaylka ba;an ee  aan u tiriyey tixdayda hore, waana maanso aan ku cabirayey wejigii labaad ee jacaylkii gabdhaas oo markii ay arintu meel fiican oo maraysay calafku nakala weeciyey oo ninkii Rabi u qoray dunta loogu xidhay, aniga iyo jacaylkeediina aanu dabaylaha dhexe haab-haabanay, isla markii ay wax waliba cakir meen ee aan arkay inay hodan haldhaa I waydaaratay Ayaan gobanimadda ka raacay oo aan heestan ku nabadgelyeeyey, waxayna ku bilaabmaysaa sidan.

 

Hodan aragtidaadii

Ayaa lay haleeloo

Haniyaha wadnaha iyo

Hagayaasha dhiigiyo

Halbawlaha adaa degey

Haasaawiyo jacaylkii

Himiladii naftaydiyo

Hamuumkiyo dareenkii

Halkii aan ku taamayey

Marka lay hor keenaan

Hamiyaa in badanoo

Hurdo seexan waayaa

Hodaney naftaydii

Halisbay ku sugan tahay

Hawlihii aduunkaa

Dhan kaygii ku hooroo

Halkaa aad kunaashaan

Habeenkiiyo dharaartii

Soo haybin jirayoo

Hamigaygu joogaa

Barashadeenii hore iyo

Sheekadii hufnaydiyo

Hadalkii macaanaa

Haasaawihiyo jacaylkii

Himiladaii naftaydiyo

Hamuunkiiyo dareenkii

Halkii aan ku taamayey

Marka lay hor keenaan

Hamiyaa in badanoo

Hurdo seexan waayaa

Hodaney hubaashii

Waan kuu Han weynaa

Markaan helay warkaagii

Mudan hawl jacayliyo

Hadimiyo dhibaatiyo

Hiifayey naftaydoo

Asaagay ka hadhayoo

Hiigsan waayey khayrkay

Hasaawihiyo jacaylkii

Hadalkii dhexdeeniyo

Himiladii naftaydiyo

Hamuunkiyo dareenkii

Halkii aan ku taamayey

Marka lay horkeenaan

Hamiyaa in badanoo

Hurdo seexan waayaa

Hodaney haldhaayeey

Hormuudkii haweenkaay

Hablo taan ka doortaay

Hanaankaaga socodkiyo

Hugaagan dhalaalkaa

Hidiheena quruxda leh

Dhaqankeena hodan kaa

Weligaa hasiideyn

Hasaawihiiyo jacaylkii

Hadalkii macaanaa

Himiladii naftaydiyo

Hamuunkiiyo dareenkii

Halkii aan ku taamayey

Marka lay horkeenaan

Hamiyaa in badanoo

Hurdo seexan waayaa

Hodaney haldhaayeey

Heegiyo daruureey

Hadii aad nasiibkaa

Ka heshay aduunyada

Ku habaari maayee

Nabsigaygu kuma helo

Hanbaliyo iyo salaan ban

Hadyad kaaga dhigayaa

Aniguna halkaagii

Hibo eebe keeniyo

Meel baadku hawroo

Jawiguna haboon yahay

Hareertaad jaleecdaba

Haro wada gingimanoo

Toonkiiyo hohobtii

Shinbiruhu ka haageen

Bedelkaagii waan heli

Hodaney aduunkiyo

Ifka hibo ku noolow

Aakhirana halkii roon

Hal hays kaygu wuxuu yahay

Hasaawihiiyo jacaylkii

Hadalkii dhexdeeniyo

Himiladii naftaydiyo

Hamuunkiyo dareenkii

Halkii aan ku taamayey

Marka lay horkeenaan

Hamiyaa in badanoo

Hurdo seexan waayaa

Abwaan Cali Mohamed Ibraahin (Cali dhanaaniye)

Burco

Mahadsanid akhriste, wixii talo iyo tusaale ah iigu soo hagaaji Emailadan.

dhanaaniye1@gmail.com

dhanaaniye@hotmail.com

 

Dhammaad.