Maayarkii hore ee magaalada Xariirad oo diiday Xilka in uu ku wareejo maayarka Cusub

0
130

10Boorma (Waaheen) Maayarkii hore ee magaalada Xariirad Cumar sheekh IBraahim (fais) ayaa  diiday Xilka in uu ku wareejo maayarka Cusub Mudane Abuukar Xasan Guuleed oo ah  maayarka Cusub ee  habeen hore loo soo magacaabay magaaladaasi .

Cumar Fais ayaa sheegay in uu xilka qaadistiisu aanay waafaqsanayn Distuurka uuna xaq u leeyahay in uu diido

Dhanka kalena amaro isdaba joog ah ayaa ka soo baxaya Xarunta looga taliyo Somaliland kaasi oo looga dalbanaayo Maayarkii Hore in uu u hogaansamo awaamirta Madaxdiisa uuna Xilka Sida ugu dhakhsaha Badan ugu wareejiyo Maayarka Cusub ee loo soo magacaabay magaaladaasi.
Dadwaynaha magaalada Xariirad ayaa siyaabo kaladuwan uga hadlay Xil ka qaadista Maayarka hore iyo soo magacaabista kan Cusub intaba ,Hase ahaatee arintan ayaa loo aanaynayaa in ah salka ku hayso khilaafkii  dhinca awaadaha maamulka xariirad.

Dhanka kalena ilaa hada ma jiraan waraar ka soo baxay Cuqaasha magaalada oo ku sahabsan Muronka Siyaasadeed ee ka Curtay magaalada Xariirar.

Xafiiska Wararka ee Boorama.