Khasaaraha ka dhashay Roobka hadheeyey Gobolada Dalka iyo awood yaraanta Somaliland

0
99

Hargeysa.(Waaheen) khasaare aan illa had tirakoob rasmi ah laga hayn ayaa si teel teel ah uga dhacay somaliland labadii maalmood ee ugu danbeeyey ee ay ka da’ayeen roobabka is-daba-jooga ahi.
Ilaa hada inta la ogyahay waxa ay warbaahinta qaarkeed baahisay illaa Lix qof oo ku dhintay Laas-qoray sida laga soo xigtay maayarka magaaladaasi Maxamed Ayaanle Xasharad, sidoo kale sida uu wasiirka Arrimaha guduhu xaqiijiyey waxa jirab Hal-qof oo hawdka laga soo sheegay.
Magaalo xeebeedydadda Berbera iyo Saylac ayay Roobabku khasaare gaadhsiiyeen haba ugu sii darnaato magaaladda Berbera oo ay hanti badani kaga baaba’day meherado ganacsi oo ku yaalay dooxa farjano, halka ay ka barakaceen dadkii deganaa xaafadaha Jaamalaaye barwaaqo iyo daaroole.
Hay’adda Ka hortagga masiibooyinka ee Somaliland ayaa shalay warbixin ka bixisay xaaladda cimilada iyo duufaanada ka dhacaya Gobolka Geeska Afrika kuwaas oo, welina ka socda meelaha qaarkood.
Gudoomiyaha hay’adda ka hortaga aafooyinka Somaliland Md. Maxamed Muuse Cawaale oo u warramay wakaaladda wararka Somaliland ayaa sheegay in dabaylaha iyo roobabkan is huwani ay yihiin nooc gaar ah oo ka mid ah cimilooyinka yimaadda waxana uu magaceeda ku sheegay (TROPICAL STROM-038).
Gudoomiyuhu waxa uu sheegay in dabayshan qoyan lagu magacaabo Cyclon, ayna ka soo kacday biyaha Badweynta Hindiya, iyadoo halkii ay dariiqeedii ku sii socon lahayd u soo baydhay dhinaca geeska afrika sida Somalia oo ay ku dhufatay magaalooyinkii xeebaha khasaarena gaystay.
Md. Maxamed Muuse Cawaale oo hadalkiisa sii watay ayaa sheegay inay dabayshu iyadoo aan itaal badan lahayn ay soo gaadhay xeebaha bari ee Somaliland iyo meelo kay ka mid tahay Magaalada Ceerigaabo,lagana dareemayo ilaa Caasimadda Somaliland ee Hargaysa oo qoyaankeedii u soo tallaabay.
Dhanka kalena Gudoomiyuhu waxa uu sheegay in illaa hadda aanay ka war haynin cid wax ku noqotay Somaliland gudaheeda, laakiin uu guud ahaan dalka ka jiro Qabow iyo dhaxan aan noociisa hore loogu arag deegaanadan.