Wasiiradda Arrimaha dibeda iyo gudaha Somaliland oo ka hadlay khatarta Roobka Da’aya mandaqada

0
79

Hargeysa(Waaheen) shir jaraa’id oo ay si wadajir ah goor dhaweyd Hotelka Maan-soor ay ugu wada qabteen Wasiirka Arrimaha dibeda wasiirSomaliland Maxamed Biixi Yoonis iyo Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland ayay ku sheegeen in khasaare kooban illaa hada ay Roobabka ka da’aya deegaanada Somaliland ay geysteen.

wasiiradda ayaa sheegay illaa hada in tiro hal qof ah la soo sheegayo in ay ku dhinteen Roobabka hase yeeshee khasaaruhu isa soo tarayo oo ay jiraan Guryo dumay, deegaanada Miyigana Xooluhu khatar ku jiraan.

Wasiirka Arrimaha dibeda Maxamed Biixi Yoonis oo ugu horayn la hadlay saxaafadda ayaa sheegay in aanay wali roobabka da’ayaa khatar weyn keenine hase yeeshee laga cabsi qabo haddii ay sii socdaan in daadadku keenaan dhibaato.
Wasiir Biixi waxa uu Tacsi u diray isaga oo ku hadlaya af-ka xukuumadda Somaliland dadka ku geeriyooday duufaanta iyo Dabaylaha ku dhuftay dadka Reer Puntland, waxaanu xusay xukuumadda Somaliland in ay taageero ka gaysan doonto.
Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland Warancade ayaa isna dhiniciisa ka sheegay in Roobka lagu wado illaa khamiista in uu di’I doono isla markaana cabsi badani jirto, waxaanu dadweynaha Reer Somaliland uga digay safarada ay ugu baxayaan Goboladda isagoo sheegay in Dooxyadu halis yihiin.
Wasiir Warancade waxa uu dadweynaha Reer Somaliland ee degan meelaha gotaanka ah iyo Dooxyada in ay ka fogaadaan isla markaana u durkaan taagaga si aany daadku u qaadin.
Warancade waxa uu sheegay xukuumadd ahaan in ay bilaabeen qorshe ay ugu diyaar garoobayaan in ay kaga hor tagaan khasaaraha ka dhasha Roobabkan isaga oo xusay in wararka ay helayaan sheegayaan illaa laba qof in ay u dhinteen isla markaana Berbera guro ku dumeen.
Sidoo kale, warancade waxa uu sheegay wararka hordhaca ah ee ay helayaan in ay ka mid tahay magaaladda saylac oo biyo fadhiisteen isla markaana khatar ku jirta, halka Burco iyo hawdkana uu xusay in ay qaylo dhaani ka soo gaadhayso.
Roob xoog ah oo ana kala go’ lahayn ayaa labadii maalmood ee u danbeeyey ka da’aya deegaanada Somaliland, hase yeeshee ma jiro khasaare balaadhan oo la sheegi karo.