Qabashada Shirka Qaran ee Axsaabta Mucaaradku ku baaqeen waa Carqalad mug weyn oo muran mooye midha dhal- lahayn

0
126

aliQabashada shirka qaran ee ay ku baaqeen Axsaabta mucaaradku waa carqalad hor leh oo siyaasiyiinta ku bahoobay madasha wadatashigu Ummada ku soo dhextuureen  oo ay axsaabta Mucaaradka ahna kaga siibteen.

Sida nidaamkeena dawladnimo qeexayo maaraynta siyaasadeena iyo maamulkeedba waxa u xilsaaran hadba xukumada dalka ka jirta iyo Madexwaynaheeda doorashada ku yimi oo haday soo foodsaaran duruufo adagi xaq u leh inuu u talo badsado iyo inuu shir qaran qabtaba. Taas macnaheedu maha inaan xukumadu khaladaad lahayn balse dabagalkeeda iyo la xisaabtankeeda waa in loo maraa dariiqa sharciga oo aan layskala bixin xayndaabkiisa wadankana fowdo aan loo baahnayn la gelin.

Axsaabta mucaaridka waxa waajibkoodu yahay la xisaabtanka xukumada iyo inay  golayaasha sharcidejinta u tilmaamaan,fartana ugu fiiqaan wixii ka qaloocda xukumada si loola saxo oo loola toosiyo.

Taas bedelkeedana waxaa Axsaabta mucaaradka waajib loogu leeyahay inay la yimaadaan ama Bulshada u soo bandhigaan Barnaamij ama qorshe wax -qabad  oo ay ku kasbanayaan kalsoonida shacabka,mudana in lagu doorto.

xaqiiqdii waxay u muuqdan xisbiyada mucaaridka ah ee Ucid iyo Waddani xisbiyo gabay kaalintoodii oo aan la iman mucaaradad hufan oo wax toosinaysa, qorshe wax qabad oo qeexana umadda lamay hor iman. Ku darsoo  xildhibaanada Axsaabta mucaaradka ku matalaya golayaasha xeer-dejintuna waxay ku dhex milmeen Golaha xukumada (Fulinta), wayna ku fashilmeen kaalintoodii mucaaridnimo ee ku aadaanayd isu dheelitirka nidaamkeena dimoqradiga ah.
Su’aasha iswaydiinta mudani waxay tahay maxa wadanka faa’iido ugu jirta shirarkan doctuurka ah ee ay hadba magac ula baxayaan xisbiyada Mucaaridka iyo Siyaasiyinta ku bahoobay Madasha wadatashigu oo ka baxsan xayndaabka nidaamkeena dawladnimo.

Guntii iyo gebgebadii waxa loo baahan yahay in Axsabta mucaaridku siyaasadooda wax ka bedalaan oo ay Ummada uga tudhaan khilaafaadka dhaawacaya wadajirka Ummada.

Cali Ducaale Faarax

Hargeisa

Somaliland