Hogamiyaha Al-shabaab Oo ka bad baaday Qorshe Dil ah.

0
111

Baraawe(waaheen)-Warar hoose ayaa waxay sheegayaan in habeen hore uu si lama filaan ah ku bad baaday hogaamiyaha Al-shabaab Axmed Godane isaga oo la dili lahaa.wararkani oo aanu ka soo xiganay shabakada wararka ee calanka 24.com

Shabakada ayaa waxaa ay wararka intaasi ku dartay In uu hogamiyaha al-shabaab uu ku sugnaa guri ku yaalay degmada Baraawe ee gobalka Sh/hoose, halkaasi oo uu yimid maalintii axadii ahayd gelinkii dambe .

Hase ahaatee waxaa la tilmaamay in si lama filaan ah uu halkaasi markii uu uga baxay xalay uu kusoo dhacay Madfac ilaa iyo haatan aan la ogeen halka uu ka yimid iyo cidda soo tuurtay.

Weli xaaladda degmada Baraawe waa mid aad u qasan, waxaana dhaq dhaqaaq aan caadi ahayn wada ciidamada Xarakada Al-shabaab oo baadi goobaaya qofka fariintaan gudbiyay.

Axmed Godane waxa uu ku jiraa liiska argagaxisada, waxaana loo baadi goobayaa si aan caadi ahayn, iyadoona xidhiidh  wanaagsan uu la leeyahay ururuka Al-qaacida