WAR CULUS: GUDDIGA DOODDA QARAN EE WADDANI IYO UCID WAXAY SOO SAAREEN UJEEDOOYINKA

0
83

wadani iyo UCID

UJEEDOOYINKA KULANKA DOODDA QARAN EE SOMALILAND.

Dhismaha dowladnimada iyo dimuqraadiyadda Somaliland  waa geeddi-socod joogto ah oo ay si aan hakad lahayn ugu  wada hawllan yihiin uguna wada heellan yihiin dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshada reer Somaliland, haddii ay tahay waaxyaha kala duwan ee dawladda, haddii ay tahay xisbiyada qaranka, haddii ay tahay bulshada rayidka ah iyo guud ahaanba dadweynaha reer Somaliland,  iyada oo ay gacan ku siinayso bulshada caalamku. Geedi-socodka dhismaha dawladnimada iyo dimuqraaddiyadda Somaliland waa mid aan dhammaad lahayn oo mar kasta u baahan in la xoojiyo, kobciyo oo la horuumariyo. Sidaa darteedna waxa waajib ah in had-iyo-jeer hareeraha laga wada taagnaado lagana wada tashado si aanu geeddi- socodku u hakan, dib ugu noqon ama dowga uga leexan.

Geeddi-socodka dhismaha dowladnimada iyo dimuqraayadda Somaliland waxa mar walba xuddun ama udub-dhexaad u ah mabda’a distooriga ah ee wada-tashiga , kaas oo u suurageliyey dadka reer Somalialnd inay ka soo gudbaan marxalado iyo duruufo adag oo fara badan. Mabda’aas wada-tashigu wuxu Somaliland awood u siiyey inay abuurto nabad-gelyo xidido leh, dadka iyo deegaanaduna ku wada noolaadaan wada-jir, iskaashi iyo sokeeyenimo. Sidaas oo kale,  wuxu  Somalialnd u suurageliyey inay si nabad ah kula  noolaato ummadaha iyo dowladaha  deriskeeda ah.  Taasina waxay keentay in Somaliland si buuxda iskaashi iyo wax wadaqabsi joogta ah ula yeelato  dalalka deriska ah iyo beesha caalamka. Arrintaasi  waxtar weyn bay u yeelatay xoojinta, kobcinta iyo taabba-galka geeddis-socodka dhismaha dawladnimada iyo dimuqraaddiyadda Somaliland.

Intaas waxa weheliya, siyaasadda Somaliland waxay ku salaysan tahay nidaamka dimuqraaddiga ah ee xisbiyada badan, kaas oo nuxurkiisu yahay in xisbiga doorashada ku guuleysta uu xukuumadda abuuro, xisbiyada mucaaridka ahina u xilsaaran yihiin inay  la xisaabtamaan xukuumadda kuna ilaaliyaan sharciga, fulinta ballanqaadkeeda, horuumarka dalka, caddaaladda iyo sinnaanta guud iyo geddi-soodka dimuqraaddiyadda , si loo xaqiijiyo hor u kac nolosha muwaaddinka Somalialnd.

Haddaba marka aad eegtid, xukuumadda kulmiye ee talada haysa maanta, waxa muuqata,oo aan caad ku daahnayn, in dhalliilo fara badan iyo qaylo-dhaan culus ay ka soo baxayso dadweynaha  reer Somaliland. Waxa kale oo u muuqtaa in xukuumaddu u dhaqmaysyso sida ay u dhaqmaan xukuumadaha ka jira dalalka uu xisbiga keliya ka taliyo. Hasyeeshee dhaliisha ka soo baxaysa bulshada waxay kale oo tilmaamaysaa in xisbiyadii mucaaridka ahaa laftoodu ay ka gaabiyeen iyana gudashada  xilkoodii mucaaridnimada.

Marka ay xaaladdu sidaa tahay, Xisbiyada mucaaridka ah ee UCID iyo WADANI,  iyaga oo u dhega-nugul baaqa ka soo yeedhaya bulshada, waxay isla qaateen inay dhinac isaga riixaan ama ka gudbaan wixii khilaaf dhex yiilley, si ay isaga kaashadaan gudashada xilkoodii macaaridnimo ee bulshadu ku hallaysay,  isla markaas, labada xisbi waxay si wada-jir ah isu la qaateen inay garowsadaan baaqii dhowaan ka soo baxay Madasha Wada-tashiga. Sidaadarteedna, labada Xisbi, iyaga oo ka duulaya mabada’a distooriga ah ee wada-tashiga waxay ku guddoonsadeen inay qabtaan dood qaran oo wadatashi ah,  si loola xisaabtamo dawladda, loo eego wixii carqalad ku ah geeddi-socodka dimuqraaddiyadda iyo, sidaas oo kale, qabyada weli taagan ee dhismaha dowladnimada Somaliland. Waxa kale, oo mudnaan leh in doodan lagu gorfeeyo laguna  qiimeeyo arrimaha la  xidhiidha aqoonsiga Somalialnd, iyo xidhiidhka caalamiga ah. Marka la soo kobo dood qarameedkanu wuxu ku soo ururiyaa afar ujeeddo oo waaweyn.

Ujeeddooyinka Kulanka doodda Qaranka.

1. Xoojinta iyo kobcinta geeddi-socodka dimuqraaddiyadda, iyada oo lagu gorfyan doono  carqaladaha hortaagan ama ku iman kara,  in ay dhacdo doorasho xor ah oo xalaal ah. Waxana ka mid ah meelaha wax laga eegayo:

(a) in la iftiimiyo dhalliilihii iyo gol-daloolooyinkii ka soo baxay ama ka muuqday doorshooyinkii Golaha Deegaanka ee dalka ka dhacay Nov.2012kii, si aany  dhalliilahaasi ugu soo noqonnoqon  nidaamka doorashooyinka Somaliland mar dambe.

(b) In doorshooyinku Madaxweynaha iyo Baarlamaanku ay dhacaan wakhtigooda ku began badhtamaha 2015ka, mar kalena aan dib-u-dhac ugu iman. isla markaasna in wax kasta oo dib u dhigi kara laga  sii wada tashado.

(c) in doorashada ka hor la dhammeeyo diiwaangelinta cod-bixiyayaasha, ayna noqoto mid maangal ah raandhiis leh, isla markaana la iftiimiyo lagana hortago waxyaalaha keeni kara inay mar kale fashilanto sidii tii hore.

(d) in la dhamaystiro qabayada dhinaca sharciyada doorashooyinka iyo wixii la xidhiidha, sida xeeraka dooashada baaralamanka iwm.

(e) in la qeexo qaabka iyo hannaanka ay qaadan doonto haddii ay mar wada dhacaan doorashooyinka Madaxweynaha iyo baarlamanku. Waxa shirka laga filayaa inay ka soo baxaan talooyin iyo tilmaamo arrimahaas ku saabsan oo noqon kara dhaqan-gal iyo dhaxalgalba.

 

2. Qiimaynta wax-qabadka, hab-dhaqanka, iyo maamulka Xukuumadda Kulmiye iyo xaaladda guud ee dalka. Sidaas oo kale shirku wuxu gorfayn doonaa ama  lafa-gurayaa carqaladaha hortaagan sidii loo gaadhi lahaa dowladnimo ku dhisan mabaadi’da maamul-wanaagga, iyada oo midba gaarkiisa loo qiimayn doono, waaxaha dowlada , sida fulinta , xeer-dejinta, garsoorka, iyo xisbiyada qaranka. Waxa kulanka laga filayaa inay ka soo baxaan talooyin iyo tilmaamo dhaqangal iyo dhaxalgalba noqon kara.

 

Qiimaynta duruufaha caalamiga ah ee ku gedaaman aqoonsiga jamhuuriya Somaliand, iyo dib-u-eegista iyo milicsiga geeddi-socodka wada-hadallada Somaliland iyo Somalia. Waxa laga dhowrayaa dood qarameedkan inay ka soo baxaan talooyin wax-tar u yeelan sidii wada-hadalladaasi midho-dhal u noqon lahaayeen, tubta aqoonsi doonka Somalilandna loo qeexi lahaa loona toosin lahaa.

 

3. In wada-tashi mug iyo qoto leha laga yeesho arrimaha qabyada ka ah  dhismaha dawladnimada Somaliland, ee muddada dheer soo jiitamayey, kuwaas oo ay ka mid noqon karaan, (a) sidii dib-u-habayn loogu samayn lahaa distoorka; (b) qaabkii loo dooran lahaa Golaha Guurtida iyo kaalintiisa; (c) sidii horuumarka iyo taladaba ugu sinnaaan lahayeen dhamaan gobollada iyo deeggaannada dalku ka kooban yahay.  (d)  Sidii talada siyaasiga ah looga qayb-gelin lahaa dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshadu, sida haweenka, dhaliyarada iyo dadka laga tirade badan yahay.

 

Sidaa darted, labada xisbi qaran ee UCID iy WADANI waxay saareen guddi midaysan oo qabanqaabisa doodan qaran, kaas oo ka kooban laba iyo toban xubnood. Guddiga waxa loo xil-saaray, diyaarinta ajandaha doodda, ururinta dhaqaalaha ku baxaya iyo abaabulka iyo qabanqaabada qabsoomidda dood qarameedka, iyagaana  cayimaya goorta iyo madasha uu ka dhici doono. Guddigu waxay aad  u qiimaynayaa una soo dhoweynaysaa cid kasta oo talo, tilmaamo iyo waxtarba ku soo biirisa. Waxay kale oo guddigu si laab-furan uga baaqayaan cid kasta oo dananaysa shirka, inay kala qaybqaatan, gaar ahaan Xisbiga talada haya ee Kulmiye iyo bulshada rayidka ah iyo beesha caalamka ee danaysa horuumarka Somaliland.

Kala soo xidhiidh Guddiga.

1. Guddoomiyaha: Dr. Maxmed Cismaan Fadal -Tel: +252-63-4475649

2. Guddomiye-xigeenka – Marwo Fadumo Siciid -Tel: +252-63-4427793

3. Xoghayaha: Cabdinaasir Yusuf Cismaan-Tel: +252-63-4420330

4. Afhayeenka: Xil. Baar Siciid Faarax-Tel: +252-63-4475015

5. La Taliye Sharci: Xil. Ibrahim Jaamac Cali (Rayte) -Tel: +252-63-4056119

 

Emailka Guddiga Dood Qaran: guddigadoodqaran@gmail.com

 

WBT

 

Dr. Maxamed Cismaan Fadal

Guddoomiyaha Guddida Qabanqabaadda Doodda Qaran

Hargeysa, Somaliland; 10/11/2013