Ogeysiis: Madal Xiiso Leh Iyo Munaasibadda Daah-furka Buugga Miisaanka Nolosha‏

0
75

Miisaanka Final Cover 1Waxa la ogeysiinayaa dhammaan bulsho-weynta ku nool magaalada Hargeysa in la qabanayo munaasibadda Daah-furka buugga xiisaha badan ee Miisaanka Nolosha ee uu qoray Abwaan Maxamed Aw Cali Cartan *Haldeeq*. Dhiganahani waxa uu xambaarsan yahay sheekooyin ku qotoma xaqiiqada iyo sidii looga guuleysan lahaa caqabadaha nolosha. Waxa ka soo qaybgelaya abwaanno, siyaasiyiin, dalladda SONYO, dhallinyaro, qoraayo iyo marti-sharaf badan oo caan ah

 

 

Waxa akhriyey diiwaanka MIISAANKA NOLOSHA, si mug iyo miisaan lehna u faaqiday aqoonyahanno, siyaasiyiin iyo abwaanno waaweyn oo ka yidhi erayadan

 

Dedaal aan xad lahayn ayaa Maxamed Buuggan geliyay, waxkasta oo lagu hawshoodaana faa`iido ayay leeyihiin. Qof  kasta oo Buuggan akhiriyaa, waxa uu ka helayaa faa`iido uu u baahan yahay

Maxamed Ibraahin Warsame *Hadraawi*

 

“Qoraagani waa nin dhainyaro ah oo ku raad jooga tii la inna wada fay in aynu giddigeenba baadi goobno ee Xigmadda ahayd, waxan idinku dhiiri gelinayaa in aad iibsataan, waa Buug idin xiise gelin doona e”.           Waa kelmeddii:

Dr. Xasan Ciise Jaamac.

 

Haddii aynu u soo noqono  ama milicsano macnaha iyo murtida uu xanbaarsan yahay Buuggan MIISAANKA NOLOSHA ma aha wax la malaysan karo ama muddo gaaban lagu soo min guurin karo, waxa aan shaki lahayn  ama madmadaw ku jirin in qoraaga Buugani waaMaxamed Aw Cali Cartane u hibeeyey ururintiisa iyo abyamiddiisa wakhti badan.

Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, Guddoomiyeha Golaha Wakiillada Somaliland, ahna Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI

 

Madasha Daahfurku waa Emperial Hotel, Maalinta Isniinta Habeenka Salaasadu soo gelayso taariikhduna tahay 11.Nofember.2013. Goorsheegtuna ku beegan tahay 07;00 fiidnimo.. Wixii faahfaahin waxa aad kala xidhiidhaa

 

Abwaan Maxamed Aw Cali Cartan *Haldeeq*0634194095

Siciid Maxamuud Gahayr 0634194095