Maxkamadda Gobolka Saaxil oo xukun adag ka soo saartay musuq maasuqii cashuuraha Barriga berbera

0
85

Waxay ku riday Lix sanno oo xadhig ah, Labaatan kun oo Doolar iyo lix iyo toban Milyan brea4inankii Lunsaday, kow iyo toban maamulihii Cashuuraha barrigu ku jirana way sii daysay, sarkaal Hawlaha guud ahina Eed la’aan buu xabsiga ugu dhex abaadsan yahay

Berbera(Waaheen) Maxkamadda Gobolka Saaxil oo muddo afar bilood ah qaadaysay Kiis musuq maasuq oo ka dhacay Waaxda Cashuuraha Berriga Berbera ayaa maanta soo saartay xukuno kala duwan oo ciqaab iyo sii dayn isugu jira.

Garsooraha Maxkamadda Gobolka Saaxil ee Dacwada Musuq maasuqa ah gacanta ku hayey ayaa xukun Lix sano ah ku riday Cabdi Jaamac Cali oo ka tirsanaa cashuuraha Berriga Berbera gaar ahaan qaybta Dekedda Berbera, sidoo kale waxay ku xukuntay in uu Mag-dhabo Labaatan kun iyo sideed boqol oo Doolar iyo Lix iyo toban Milyan oo shilling Somaliland ah oo ay sheegtay in uu Lunsaday.

Garsoore Ibraahim Aadan Xasan waxa uu Xorriyadoodii u celiyay Maamulihii Cashuuraha Berriga Gobolka Saaxil C/xakiin Maxamed Guuleed oo ku Eedaysnaa dayacaad shaqo iyo toban Ganacsade oo ahaa kuwii lacagta la Musuq maasuqay bixiyey.

Garsooraha ayaa go’aankaasi si rasmi ah ugu dhawaaqay kadib markii uu muddo afar bilood ah dhagaysanayey Dacwadaasi oo uu Hanti-dhawraha Guud ee Qaranku u gudbiyey.

C/raxmaan Daahir Xadi iyo nin kale oo shaqaale ah ayaanu illaa hada Hanti-dhawraha Guud ee Qaranku wax Eed ah u samayn, labadaas nin oo midkood oo xanuunsanayaa mudadaas u xidhnaa kiiska maanta Maxkamaddu go’aanka ka soo saartay halka uu ka kale dibed joog ka yahay, waxaanu xadhiga C/raxmaan Daahir Xadi oo ah nin xanuunsanayaa muujinayaa tacadi qayral macquul ah oo loo baahan yahay in ay Xukuumaddu Eegto.

C/xakiin Maxamed Guuleed oo ah Maamulaha Cashuuraha Berriga Gobolka Saaxil ee Xorriyadiisa loo soo celiyey oo aanu khadka Telefoonka kula xidhiidhnay kadib markii la soo daayey ayaa Waaheen uga waramay Kiiska iyo Go’aanka ay maxkamaddu ka soo saartay isagoo ku hambalyeeyey Garsoore Ibraahim Aadan so oaf-jarida kiiskan oo uu sheegay in uu ku dulmanaa muddo afar bilood ah isagoo sheegay in uu Maxkamadda ka furanayo dacwad ka dhan ah Hant-dhawraha Guud oo uu sheegay in uu masuul ka ahaa xadhigiisa iyo ka Ganacsatada danbiga lagu waayeyba.

“ waa Illaahay Mahadii go’aanka Garsooruhu soo saaray aad baanan ugu faraxsanahay in uu Xorriyadaydii ii soo celiyo, anigu sidaan horeba waraysiyadii aad ila yeelateen ku cadeeyey waxa aan ahaa masuulka kashifay musuq maasuqa ee Hant-dhawraha iyo Xukuumaddaba u gudbiyey, hadana waxa si badheedh ah arrintaas u majarahabaabiyey Hanti-dhawraha Guud oo aniga iyo dadka kale ee Ganacsatada ahba nagu gafay, waxaanan ka furanayaa dacwad dhibaatada uu noo gaystay”

C/xakiin waxa uu intaas sii raaciyey “ ta uu Hanti-dhawruhu nagu sameeyey wax aka daran oo u baahan in looga gurmado nin la yidhaahdo C/raxmaan Daahir Xadi oo Jeelka ku dhex xanuunsanaya, mushkilada ninkaas haysata ee aanay Xukuumaddu ogayn waxay tahay illaa hada ninkaas oo muddo afara bilood ah xidhan wax Eeda ah oo uu Hnati-dhawruhu u sameeyey maba jirto, ninkaasina waa nin xanuunsanaya waxaanu ka tirsan yahay xafiiska Hawlaha Guud” ayuu raaciyey.