Dacar Macaan: Deegaan Duruufo nololeed bariinsadeen oo u Baahan Gurmad Dawladdeed oo deg-deg ah”Warbixin

0
131

“Gabadha ku foolata Deegaankan waxa loola soo carara Magaalada Hargeysa oo 62KM u jirta, qaarbaana ku dhinta ku dhintay”Aamina Daahir

“Tuulada Dacarta waxa ku yaala Dugsi ka kooban saddex qol midkiiba laba Fasal wax loogu dhigo mar qudha”Cabdilaahi Yey (Cabdi Rows)

DSCN2946Hargeysa(Waaheen)-Deegaanka Dacartu, waxa uu ka mid yahay deegaanada hoos-taga Degmada Faro-weyne ee Gobolka Maroodi-jeex, waxaanu 62KM dhinaca Koonfur Galbeed kaga beegan yahay Magaalada Hargeysa ee Caasimadda Dalka.

Bulshada ku dhaqan Deegaankan, ayaa cabasho ba’an ka muujiyay baahiyo nololeed oo ka haysta dhinaca adeegyada aasaasiga ah ee Bulshada, sida Caafimaadka, Waxbarashada, Biyaha, nabad-gelyada iyo dhamaan Kaabeyaasha kale ee daruuriga u ah jiritaanka deegaanka.

Dadweynaha ayaa qaylo-dhaan dheer ku beyaamiyay Duruufaha kala duwan ee halkaasi ku haysta, waxaanay dawladda iyo Hay’adaha horumarinta ka dalbadeen inay wax kala qabtaan xaalada ay ku suganyihiin, iyagoo si gaar ah u taabtay in waxyaabaha ugu daran ee ay la’aantooda baahida weyn u qabaan ay ka mid yihiin Caafimaadka, waxbarashada iyo Biyaha.

Oddayaasha Dhaqanka, waxgaradka iyo xubno kale oo shalay la hadlay Warfidiyeeno deegaankaasi booqday, ayaa sheegay in baahiyaha caafimaadka la xidhiidha ee deegaankaasi ka taagani ay gaadhsiisantahay heer Dumarka Uurka leh aanay helin xarumo caafimaad oo ay ku dhalaan, jirina daryeel kale oo ay helaan, isla markaana qofka dumar ah ee Fooshu qabato loola soo cararo cisbitaalada hargeyesa.

“Deegaankani waa deegaan Xoolo dhaqato iyo Beeralay isugu jira, waxa ku nool ilaa afar boqol oo qoys, waxa ka dhisan Dugsi ka kooban Saddex qol oo Caruurta ilaa Fasalka 5-aad wax loogu dhigo, hadii Ardaygu Fasalka Shanaad dhamaystana, wuxuu dib ugu noqdaa Beerta amaa Xoolaha”sidaasi waxa sheegay Cabdi Cabdilaahi Yey Rows oo ah Guddoomiyaha deegaankan oo Warbaahinta la hadlay.

Cabdi-rows, ayaa intaasi ku daray isagoo ka waramaya dhibaatooyinka dhanka waxbarashada “Dugsigan waxa dhistay Dadka Tuulada degen oo xoogooda isu geeyay, waxaana la dhisay sanadkii 2008-dii, ilaa xiligaa dawladda wax caawimo ah ama taageero ah oo ay u fidisay ma jirto, hadii laga tegi waayose Hal macalinbay dhawaan Gunno u qortay, Sidaasi darteed waxaanu u baahanahay in nalaga taageero dhamaan Baahiyaha aasaasiga ah ee deegaankan, haday tahay waxbarashada, Caafimaadka, Biyaha iyo wixii kale naloo qaban karo”.

DSCN2962 (1)

Dhinaca kale, Aamin  Daahir Xaaji oo ka mid ah Haweenka ku nool deegaankan ayaa ka warantay duruufaha dhanka adeegyada Caafimaadka ee deegaankooda haysata “Baahiyaha Caafimaad ee halkan ka jira hadaan wax ka sheego ma soo koobi karo, laakiinse waxaad ka qiyaasi kartaa dhakhtar waxa noogu dhow Hargeysa oo 62KM noo jirta iyo  Alley baday oo iyaduna Masaafo dheer jirta, markaa Gabadha halkan ku foolata, waxa Hargeysa la geeya iyadoo dhiig  baxday ama dhexdaabay ku Dhimataa, waanay dhacday, markaa Baahiyaha caafimaadku waa waxa ugu daran Dumarka iyo Caruurta halkan ku nool”.

Deegaankan ayaa sida ay wax-garadku sheegeen shan sanadood ka hor dhistay Dugsi ka kooban Saddex Fasal oo iskaa wax u qabso lagu yagleelay, kaasoo ay sheegeen inaanay ilaa hada wax taageero ah xukuumaddu ka geysan.

Maamulaha Dugsigan  Cumar Sheikh Cabdi Axmed oo Warbaahintu kula kulantay Dugsigaasi, xili ay Ardayda wax ka barataa Xiisadaha ku jireen ayaa, isaguna ka waramay xaalado qalafsan oo ku xeeran goobtan waxbarasho ee uu madaxda ka yahay .

Waxa uu sheegay in tiro ka mid ah Ardayda Dugsigaasi wax ka dhigtaa u jiifaan Xanuun uu noociisa ku sheegay qanjo xanuun, kaasoo buu yidhi aanay ubadka uu hayaa wax daawo ah  iyo shaybaadh toona u helin, isagoo qaylo-dhaan dheerna u soo diray Wasaaradda Waxbarashada iyo Hay’adaha kale oo Maankiisa ku jiray.

DSCN2947

Cumar Sheikh Axmed ayaa isagoo ka hadlaya arimahaasi “ Dugsigan fasaladiisu waxay qaadaan sagaashan Arday oo qudha, laba fasal ayaa qol qudha wax loogu wada dhigaa, dabadeed markaanu meel aanu wax ugu dhigno waynay, maalin walba qaarbaanu celinaa oo dib halkan ka noqda, iminka Ardayda qaarbaa xanuunsanaya oo Guryahoodii jiifa, qaarbaa saacad wakhti ku dhow iskuulka u soo socda, Ardayga bukoodaana marka uu sii kaco ayuunbuu yimaadaa oo wax dhakhtar ah lama geeyo.

Runtii Baahida dhinaca waxbarashada dhawr jeer ayaanu wasaaradda u sheegnay waxna lagama qaban, waxaanay Wasaaraddu mar walba nagu tidhaahdaa waxbaanu qaban, ilaa hadana waxba kama hayno, macalimiinta meesha ka shaqeeyaa waa saddex macalin, aniga maamule ahaan mooyaane inta kale waxay ku shaqeeyaan iskaa wax u qabso, Ardayduna waxay ku jiraan duruuftaa aan kuu soo sheegay, markaa Dugsigu wuxuu u baahanyahay kow oo muhiim ah inuu helo Barmaamujka Quudinta Dugsiyada (Feedinh School), waxa kale oo u baahanyahay in fasalada loo kordhiyo iyo in baahiyaha ka dhiman oo dhan wax nalagala qabto”ayuu yidhi Maamule Sheikh.

DSCN2955

Yoonis Cali Ismaaciil oo ka mid Guddida horumarinta Deegaankan ayaa isaguna faahfaahin ka bixiyay Baahiyaha biyo la’aaneed ee halkaasi ka jirta iyo sida wax looga qaban karo “Biyaha hadaan ka hadlo, Hay’adda WFP ayaa Maal-gelisay Dhaam weyn oo la doonayay inay Magaaladu biyaha ka cabto, dhaamkaasi oo Bali biyaha roobka lagu keydin lahaa waxa qandaraas ku qaatay Urur la yidhaahdo Hawo, Hay’adda waxay ku bixinaysa Raashin dadka qodaya loogu talo-galay, dabadeed Ururka Hawo afar bilood markuu hawshiisa waday ayuu joojiyay, waanu dhamaynaynaa intay yidhaahdeen ayaanay ilaa hada ku soo noqon, waana qabyo, Hay’adiina wax jawaab ah kama hayno, NGO-gii qandaraaska ku qaatayna ma hayno,markaa waxaanu ka codsanaynaa Hay’ada WFP iyo kuwa kale ee Biyaha u qaabilsan dawladdu inay arintaa ka daba tagaan oo Dhaamkaa naloo dhamaystiro, waayo Cirkaa dhibicda ka soo dhacda mooyaane biyo kale ma helno”.

Inkasta oo qaylo-dhaanta ka soo yeedhay Bulshada ku dhaqan Deegaan beereedkan Dooxa Abuuriin ka talowsan, ay dhinacyo badan taabanaysay, ugu dambeyn Ibraahim Cabdi oo isna ka mid ah xubnaha wax-garadka u ah deegaanka, ayaa Wasaaradaha Adeegyadooda ay baahida deg-deg ah u qabaan mid mid u taabtay, waxaanu yidhi  “Wasaaradda Waxbarashada waxaanu ka codsanaynaa inay gurmad waxbarashada ku saabsan nala soo gaadho, Wasaaradda Caafimaadka waxaanu ka codsanaynaa in goobo Caafimaad dhakhso naluugu dhiso, biyaha waxaanu ka codsanaynaa inay baahiyaha biyaha wax ka qabat, xukuumaddana oo dhan iyo Hay’adaha Caalamiga ah iyo kuwa Waddaniga ahna waxaanu leenahay Cidla ayaanu fadhinaa, waxaanan u baahanay in wax naloo qabto”.

Dhinaca kale, Odayaasha iyo Wax-garadka deegaanku waxay sheegeen inaanay Hay’adaha Xukuumiga ahi deegaankan soo gaadhin,jirina wax mashaariic ah oo laga fuliyay, iyagoo qaarkood xusay inay Hay’adaha qaarkood socod ku dhaafaan iyagoo ka war qaba xaaladaha ku gedaaman.

Sidaasi darteedna waxay codsadeen in hoos loo eego cabashadoodan, indhaha iyo dhegahana loo furo, isla markaana deg deg looga jawaabo dhawaaqan ka soo yeedhay.

Wariyeyaasha Deegaanka Booqday ayaa indhahooda ku soo arkay xaaladaha halkaasi ka jira oo marka xaqiiqada laga hadlayo ah kuwo ka aradan, xataa raadadka dawladnimada iyo horumarinta adeegyada aasaasiga ah ee ay bulshadu ka cabanayso.

Waxaana xusid mudan inay aad u kala fogyihiin marka lays bar-bar dhigo Duruufaha meeshaasi ka jira iyo bilicda Beeraha ku yaala Saraca ka baxay, taasoo hadii Dawladdu wax la qabato ay door muhiim ah ka ciyaari lahaayeen wax soosaarka waddanka.