Labad Xildhibaan oo isku gacan qaaday Khilaafka Kulmiye darteed.

0
38

Hargeysa (Waaheen):Xildhibaan Waabeyey iyo Cali Mareexan oo Hargeysa (Waaheen) Laba xildhibaan oo ka tirsan Golaha Wakiilada Somaliland ayaa gacan ka hadal dhex maray, waxaanu gacan ka hadalkooda oo ka dhashay khilaafka kala irdheeyey Xisbiyahanada Kulmiye, Xildhibaanadan oo kala ah Xildhibaan Maxamed Xaji Yuusuf(Waabeye) iyo Xildhibaan Cali Xasan Maxamed (Cali Mareexan) oo ay ka dhaxaysay Saaxiibtinimo dheer balse uu kala fogeeyey khilaafka Xisbiga kulmiye ka dhex taagan.

labadan xildhibaan ayaa waxay is wadaarsadeen Hadalo qalafsan ka dib markii uu Xidhibaan waabeeyey Cali mareexaan uu ku eedeeyey inuu ka baxay balantii ay isla ogaayeen taasi oo ahayd in mid ka mid ah garabada Xisbiga Kulmiye taagersanayaane, basle uu khiyaameyey oo ka baxay kaasi oo uu ku dhaliilay Gudigii Habarjeclo ee uu soo Raacay ee Samaale ergada ugu tagay.

Dhanka kale Isna Xildhibaan Cali mareexaan ayaa hadalo kulul u jeediyey Xildhibaanka kale ee ay is hayeen ee Waabeeye, isagoo ku eedeeyey inuu xisbiyada Mucaaridka u shaqaynayo ee aanu danta kulmiye ka shaqaynaynin. Ilo xog ogaala oo ay Waaheen heshay ayaa intaasi ku daray in kadib markii ay intaa is waydaar ee gacanta isku qaadeen ay ku kala guntadeed qaar ka mid ah masuuliyiin Xisbiga kulmiye oo goob joog ka ahaa arintaasi markii ay dhacaysay.