Ugaaska Guud ee Beelah Arab Ugaas Cali Mahdi oo Maanta Lagu Caleemo Saray Hargeysa.

0
328

u_115257d_2013-11-6-14-48-57f_c1 u_115257d_2013-11-6-14-50-13f_c3 u_115257d_2013-11-6-14-51-3f_c5 u_115257d_2013-11-6-14-55-39f_c8 u_115257d_2013-11-6-15-2-1f_x1 u_115257d_2013-11-6-15-2-38f_x2 u_115257d_2013-11-6-15-3-10f_x3 u_115257d_2013-11-6-15-3-47f_x4 u_115257d_2013-11-6-15-4-14f_x5Hargeysa(Waaheen) Ugaaska Guud ee Beelah Arab Ugaas Axmed Maxamed Siciid (Cali Mahdi) , ayaa maanta lagu caleemo saaray Hotel Ambassador ee Magaalada Hargeysa.

Munaasibada Caleemo Sarka Ugaaska Cusub ayaa Waxa ka soo qaybgalay, Guddoomiyaha Golaha wakiilada ahna, Guddoomiyaha Xisbiga mucaridka ah ee waddaani Cabdiraxmaan Maxamed C/laahi Cirro, Murashaxa Madaxweynaha ee Xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen , Guddoomiye ku-xigeenka 2aad ee  Golaha wakiiladda  Cali yusuf, Guddomiye Kuxigeenka Xisbiga Kulmiye Muj. Maxamed Kaahi, Salaadiiin  aad u badan oo badhkood ka yimid Gobolka Awdal ee Magaalad boorama  oo lagu marti qaaday ka qayb galka caleema saarka ugaaska cusu, Xildhibaanno, Cuqaal, Wasiirro, Saraakiil iyo Boqolaal dadweyne ah. Munasibaddan, ayaa ugu horrayn waxa ay ku billaabantay soo dhoweyn iyo sawaxan ay dadweynaha meesha joogay ku qaabileen Ugaaska cusub , Ugaas Axmed Maxamed Siciid (Cali Mahdi).

Maxamed Ibraahin Qabo ayaa Xafladaasi weyn Hadal ka jeediyey, waxaanu  sheegay inay xafladdani tahay tii ugu horraysay oo ay ugu talo galeen dadka magaaladda hargeysa , isla markaana ay maalinta berri ah u bixidoonaan Miyiga iyo Caleemo saarkii dhaqanka ahaa, waxaanu  tilmaamay in halkaasi lagu diyaariyey dhaaman wixii uu lahaa caleema saarku oo dhan oo lagu qaban doono magaaladda balli-gudable.

Kooxda dhaqanka iyo Hidaha, ayaa iyaguna halkaasi ku soo bandhigay, heeso dhaqameed ka turjumaya sida ay u soo dhowynayaan ugaaska guud ee beelaha arab, waxaan laga dheehanayey sida ay dadku raalida uga yihiin ugaaska guud.

Abwaan Maxamed Xirsi Baarleex, ayaa isaguna halkaasi ku soo bandhigay sugaan uu ku amaanay Ugaaska guud ee beelaha arab, waxaanay dadweynihii xafladda joogay ay aad ugu qushuucen suugaanta uu ku amaanay ugaaska guud ee beelaga arab, waxaanay dadku sawaxan iyo qaylo isla oogsadeen markii uu abwaan baarleex suugaaanta halkaasi ku soo bandhigay.

Afhayeeka Ugaaska guud ee beelaha Arab, Caaqil Cabdi Dheere, ayaa waxa uu isaguna halkaasi ka sheegay taariikhda Qoska uu ugaasku ka dhashay, “waxa uu dhashay 1953, waxa uu ku dhashay deegaanka Gobolka Hawd, Waxbarashada Hoose iyo dhexeba waxa uu ku dhamaystay Hargeysa, Jaamacadahana waxa uu ku bartay waddaamada dibedda, Ugaaska ay Caleemo saaraynaa waxaa kii 11-aad, oo waxa uu soo tirsadaa, waxa ugu horreeyey tii ina Gardaase, waxaaanuu sidaasi ku soo tirsadaa intaas oo sandalad ah, waxaana hadda xigta tan Ugaas Axmed cali mahdi oo aanuu maanta u caleemo saarnay Ugaaska Guud ee beelaha Arabweyne” ayuu yidhi afhayeenka Ugaaska Guud.

Sudaan Barre Xaaji Xuseen Carraale oo isaguna ka hadlay halkaasi ayaa waxa uu yidhi “Ugaaska Guud ee Beesha Arab, waxaanu la garab taaganahay garab iyo gaashaan, waxaanu leenahay soo dhowow, waxa aan leeyahay ciidda ku dooratay iyo cidda aan ku dooranba si isku mid ah u qaabil ayaan leeyahay, aniga ayaa huba inuu guud ahaan Somaliland wax ka qabanayo, waana dayax Godkiisii helay”

Boqor Ciise Haybe Dheere oo isaguna ka hadlay halkaasi, ayaa waxa uu yidhi, ” aad ayaan u soo dhowaynayaa Ugaaska Guud ee beelaha Arab, waxaanan leeyahay waa la amaanay oo dambi maanta loo qori maayo, waxaan leeyahay hala iska daayo Xinka oo ha loo sara koco Ugaaska Guud ee beelaha Arab” Ayuu yidhi.

Suldaan Abshir Maxamed Ducaale oo ka mid ah Madaxdhaqameedka Gobolka Awdal oo halkaasi ka hadlay, ayaa waxa uu yidhi ” Xafladdani Xiiso gaar ah ayey noo leedahay oo waxa aanu uga nimid Awdal, waanu u ducaynaynaa Ugaaska Guud ee Beelaha Arab, laakiin anaga meesha Ugaas joogo Suldaan mana taliyo mana duceeyo, ugaaskana anaga ayaa idinka naqaana waxaan leeyahay Ugaaska ha laga dambeeyo, ugaaskuna waa ugaas Somaliland ah”

Suldaanka Beelaha Gabooye Suldaan Naasir oo ka mid ahaa Madax dhaqameedkii halkaasi ka soo qayb galay, ayaa waxa uu yidhi ” Waxa ay farxad weyn u tahay dhamaan Somaliland, waxaan leeyahay ku soo dhowow  Ugaas xayndaamka Somaliland, waxaanu halkan kaga dhawaaqaynaa maanta in aanu aqbalnay ugaaska, waxaanuu ugaas caleema saarkaagu metelaa ugaasyadii Saylac oo sidii ayey roobku inoo da’ayaa, waxaanu ku leenahay ka dheerow tafaraaruqa, Musdambeed ahaw, ha u horaynin Xumaha, u horee wanaaga”

Suldaan Aabu sufyaan oo isaguna halkaasi ka hadlay, ayaa sheegay in Ugaaska looga baahan yahay dulqaad iyo tanaasul, waxaanu u sheegay Ugaasku uu arki doono cid ka hor timaadda iyo cid ka soo hor jeedsataba, waxaanuu tilmaamay in ay waxyaabo badan ay isugu yimaadeen ajiga iyo agbooyuhu, isla markaana looga baahan yahay in arrinta guurkana xal laga gaadho.

Sudaaan barre shire oo isaguna ka hadlay halkaasi, ayaa waxa uu sheegay inay u ducaynayaan Ugaaska Guud ee beelaha Arab, waxaanuu uga digay inuu noqdo Ugaasku mid loo adeegsado waxyaabo aan fiicnayn, waxaanuu ballan qaaday inay garab taagan yihiin.

Gudoomiye Ku-xigeen labaad ee Golaha Wakiikada Somaliland Dr Cali Yuusuf Axmed oo isna madashaasi ka hadley ayaa waxa uu u soo jeediyey ugaaska guud inuuu sinaado dhamaan somaliland oo uu noqdo mid ka wada taliya Somaliland iyo wanaageeda.

Gudoomiyaha Golaha wakiilada Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi(Ciro) iyo Musharaxa Madaxweynaha Xisbiga Ucid Jamaal Cali Xuseen ayaa sheegay in ay Faraxad weyn u tahay in ay ka soo qayb galaan Xaflada Calaame Saarka Ugaaska waxayna ilaahay uga rajeeyeen in ilaahay Xilkaasi ku asturo.

Guddoomiye ku xigeenka Koowaad ee Xisbiga Kulmiye Maxamed kaahin axmed oo isaguna ka hadlay halkaasi, ayaa waxa uu yidhi “madasha aynu maanta joognaa waa madal lagu caleemo saarayo Ugaaska Guud ee beesha arab oo ah dhaqankii ugu sareeyey, waxaanaynu leenahay, Ugaas Rooble, Ugaas Barkhadle, Ugaas Nuurle, waxaan leeyahay Ugaasku, beelaha arabna uga baqi maayo inay ugaaska carqaladeeyaan oo ficilka ay leeyihiin ayaa garanayaa,waxaan leeyahay waxa lagaa doonayaa inaad beelaha Somaliland oo dhan aad ku maamushu wanaag oo dhamaan ugaas ayaad u wada tahay, ILAAHAY ha kugu asturo waanu kuu ducaynaynaa”

ABWAAN koos Dhunkaal, ayaa halkaasi waxa ay ka soo jeedisay suugaan iyo gabayo ay ku amaantay Ugaaska,Waxa kale oo iyaguna halkaasi ka hadlay Marwo Faadumo Siciid iyo Dadweyne kale dhammaantoodna  waxay u duceeyen Ugaaska Guud ee Beelaha Arab.

Gabo Gabadii Munaasibadaasi ayaa waxaa Soo afmeeray Ugaas ka  la Caleemo Saaray Ugaas Axmed Maxamed Siciid (ina Cali Mahdi) Waxaa uu ugu Horeyn uu aad ugu mahadceliyey Dadweynihii tirada badnaa ee ka soo qayb galey Xafladani ” Maanta waxaa igu duxay waa masuuliiyad Culus waxaan rajaynayaa in aan garbahayga fadhiyaan rag badan oo la taliyahayga ah waxaan ururin doonaa Somaliland isku xidhkeeda bari iyo galbeed dadka iga tala qaataa waxaan rajaynayaa in ay Somaliland wanaageeda ka shaqeeyaan waxaan idiin sheegaya in aan ahaanayo Ugaaskii Beelaha Somaliland Bari iyo galbeedba”Ayuu yidhi.