Waxgaradka Gobolka Tog-dheer oo Naqdiyey Xildhibaano hore u Eedeyey Badhsaabka Gobolka Tog-dheer.

0
126

S2550004Hargeysa(Waaheen) Waxgaradka,Cuqaasha,dhalinyarada iyo Aqoonyahanka Gobolka Togdheer ayaa Maanta shir Jaraa’id oo ay ku qabteen Hotel Deero waxay ku canbaareeyeen qaar ka mid ah Xildhibaanada Golaha Degaanka Degmada Burco oo dhawaan  badhasaabka Gobolka Togdheer warbahinta  ka eedeeyay, Aqoonyahaynkan maanta shirka Jaraa’id Ku qabtay Gudaha Magaalada Burco ayaa Golaha Degaanka Ku Tilmaamay inay yihiin kuwo aan shaqadoodii loo soo Dooratay Garanayn,islamaarkaana Waxgaradka  Gobolku waxay hadaladan Golaha Degaanka kasoo yeedhay ka raali galiyeen Badhasaabka Gobolka Axmed Cumar X.C/laahi waxaanay sheegeen inay xaal  faras ah ka siinayaan arintaas lagula kacay.
Chief Caaqil Cali aadan Af-warnle oo ugu horayn shirkaas Jaraa’id ka hadlay ayaa Yidhi “Anigoo ku hadlaya Af-ka Cuqaasha iyo ka reer Togdheerba waxaan halkan ka raali galinayaa Badhaasaabka Gobolka Togdheer Axmed Cumar X.C/laahi (Xamarji) hadal ka soo yeedhay qaar ka mid ah Xildhibaanada Degaanka Burco oo ay warbaahinta ka faafiyeen  , waxaan leeyahay Badhasaab hadalkaas raali ka Noqo oo u dul qaado waxaanan kaa siinaynaa xaal Gole oo xaal Faras ah,dadka cida Xil u qabataa ka amaann heli mayso oo anaga oo cuqaal ah baanu ka eed la’aanwaynay. Hadaanu reer Burco nahayna arintaas waanu ka wada Xumaanay waana ka simanahay inaanu xaal ka Bixino una Noqon mayno.
Caaqi Nuur X.C/laahi ayaa is na halkaasi ka hadlay ayaa yidhi ”waxaan leeyahay waxan ay isku hayaan waa arin nabadgelyo ee siyaasada dibada waxaa iska leh Dawlada Dhexe,kuma shaqo laa degaanku ee wixii uu ku shaqo leeyahay ha garto ee loo doortay,
halkaas wixii ka dhacay ee aya inamadu sameeyeen ee ay inamada degaanku Badhasabka u gaysteen xaal baanu ka Bixinay,waayo anagaa dooranay oo meesha keenay.
Aqoonyahan Mijir Qaadi Maxamuud ayaa isna hadaladiisii waxa ka mid ahaa”waxaan leeyahay inamadan Golaha degaanku waa inay kala gartaan dawlada Sare iyo dawlada hoose inay kala shaqo yihiin,waxaanu usheegaynaa dawalda hoose sadex nin uun baa badhasaabka la shaqayn kara waa Waa maayarka,ku xigeenka iyo Xoghayaha,inta kale waxaan leeyahay waataas magaaladii roobku karibaye haka shaqeeyaan,Badhaabkana waxaan leeyahay nin xilqaaday eed qaad dul qaado.
Aqoonyahan C/raxmaan Maxamuud gaade’ ayaa isna Yidhi’idiin maanan dooran inaad Badhasaabka qoorta iskaga Duubtaan ee waxaanu idiin dooranay inaad Garanwaaga wadadii Xidhay iyo nadaafada ka shaqaysaan,Xilkaas kasoo baxa oo qabta dawlada,hawl baa idiin taala,arintan aad samayseena Gobolkoo dhan baanu xaal ka siinaynaa in..
Amiir Cismaan Ismaaciil,Caaqil cumar Axmed Duruje,Caaqil Yaasiin Axmed Yool, Caaqil C/raxmaan Ruug dhige, Caaqil saxardiid,Aqoonyahay Cabdi Maxamuud Qaloonbi,Aqoonyahan C/risaaq Nuur Caraale,ayaa iyana dhamaantood sheegay inay ka Xunyihiin Aflagaadada Badhasaabka lagula kacay iyo eedaynta ay qaar ka mid ah Golaha Degaanku u gaysteen,waxaanay Golaha Deegaanka Ugu baaqeen inay xilkooda gartaan,iyagoo Golaha Degaanka Ku tilmaamay inay shaqadoodii Dayacantahay.