NADAAFADA IYO QURXINTA CAASIMADA WAXA KA MASUULA WADA SHAQAYNTA QOFKASTA OO MUWAADINA IYO DAWLADA HOOSE : W/Q: Farhan Mohamed Sultan Nur (Rakad)

0
141

“Inta qashin kuu dhaw yahay ayuu cudur kuu dhaw yahay”

farxMarka hore waxaan salaamayaa dhamaan umada reer Somaliland meelkasta oo ay joogaan iyo bahda saxaafada ee ku hawlan  siday cidkasta oo somaliland ah  u soo gaadhsiin lahaayeen dhacdooyinkii u dambeeyay ee dalka ka socday saacad saacad, iyo sikin sikinba . iyagoon ahayn dad faaido doona laakin u shaqayeeya si volunteer ah ama bilaasha .

Dawlada hoose ee hargeisa waxay markasta masuul ka tahay qurxinta iyo ilaalinta heerka nadaafadeed ee caasimada iyo degmooyinka hoos yimaada, waxaanay samaysaa dadaalo kor  loogu qaadayo nadaafada dalka ,

Si kasta oo ay tahay dadaaladaas ma gaadhaan meeshii la doonayay , maxaa yeelay dawlada hoose ee hargeisa waxay markasta heegan ugu jirtaa sidii nadaafada dalka kor loogu qaadi lahaa laakin waxa meesha ka maqan doorkii bulshada oo aan jirinba.

Waxaan in badan baadhay  oo aan ogaaday waa maxay sababta dalka nadaafadiisu u hagaagi la,dahay oo meelkasta u yaalaan qashin iyo wax yaalo aan indhaha u wanaagsanayn ?  waxaan baadhaba waxaan xaqiiqsaday in nadaafada iyo qurxinta dalku uu  masuul ka yahay dadka intiisa badan oo meelkasta nadaaafad xumo  iyo  qashin baa  yaala , taas  oo aan bulshada inteeda badan niyada ku hayn in ay masuul ka yihiin nadaafada dalka , in aanay markasta ogayn in nadaafada oo xumaataa ay naftaada wax yeelayso, caruurtaada wax yeelayso , iyo dalka quruxdiisiiba lumayso.

Waxaan in badan aan maqaalo ka qoray in dawlada hoose dayacday masuuliyadeedii laakin “maya” may dayicin  oo waxaan ogaaday in bulshadii noqotay bulsho ay ku yartahay lexo jecladu iyo muwaadinamadu ,waxaan ogaaday in bulshadii ka masuul tahay qashinkasta ooo meel yaala,waxaan ogaaday in bulshadii aanay la shaqaynayn dawladihii hoose ee dalka,waxaan ogaaday oo aan in badan survey ku qaatay in magaalooyinka qaarkood aanay lahayn gudida faayodhawrka ,(V.H.P) markaan intaas oo dhan aan ogaaday ayaa waxaan jeclaystay inaan umada u iftiimiyo sida ugu wanaagsan ee caasimada iyo magaalo kasta nadaafadeeda kor loogu qaadi karaa, taas oo jawaabteedu noqotay sidatan:—–

1)      In dawlada hoose iyo bulshada kala duwan oo is kaashadaa ay keeni karto in nadaafada dalka oo dhan ay si dhakhsaa isku badasho.

2)      In bulshadu markasta heegan ugu jiraan ilaalinta nadaafada  oo qofkasta gacatiisa ku qaado waxkasta oo isha u daran oo nadaafad daro keenaya.

3)      In aan laga qashilin in qashinka naftaada dhibaya, oo reerkaaga dhibaya, oo caruurtaada dhibaya oo ,aad qaado oo meeshii loogu talo galay aad geyso.

4)      In qofkasta la shaqeeyo gudiyada kala duwan ee xaafad kasta , haday jiraan , hadaanay jirina ay sameystaan.

5)      In caruurta iyo cidkasta laga dhaadhiciyo dhibaatooyinka qashinka oo ay kaw ka tahay cuduro dilaaca, iyo  fool xumo badan.

6)      In waalidkastaba dabagal ku sameeyo meesha la geeyo qashinka ka soo baxa gurigiisa oo uu hubiyo in la geyay goobtii loogu talo galay.,

7)      In xaafad kastaa ay samaysato goobaha qashin ururinta iyagoo dawlada la xidhiidhiya.

8)      In la samaysto maalin cayiman oo loogu talo galay maalinta nadiifinta xaafadaha.

9)      In lala shaqeyo haayadaha (N.G.O) ku hawlan nadaafada iyo wacyi galinteeda .

10)   In qofkastaaba ka masuul yahay qashinkasta oo meel yaal ,maxaa yeelay qashinkasta waxa keena oo sababa waa qof, qofkaas  oo isticmaalay dabadeedna iska tuuray markaa waa in marka qof isticmaalo shay dabadeedna wixii qashina ee uu leeyahay uu meel hagaagsan dhigo iyo goobteediiba.

11)   Hadaba waxaad muwaadin ogaataa in nadaafad xumada xaafadaada iyo nadaafad wanaaga xaafadaaada aad labadaba adigu masuul ka tahay , door muhiimana aad ka qaadan kartid, in waxkasta oo aad aragtid in ay bulshada dhibayaan sida qashinka  aad si dhaqsaa uga hawl gashid , laakin aanad iska dhaafin, oo aanad is odhan waxba kama qaban kartid .

Iskaashiga u dhexeeya bulshada iyo dawladaha hoose waxay sababi kartaa inay nadaafadii xaafadu iyo meelkasta ay is badasho , ana waxan ogahay  in dawladu markasta diyaar ugu jirto inay kor u qaado nadaafada dalka iyo degmooyinka oo dhan laakin waxa meesha ka baxsan doorkii bulshada iyo qaybaheeda kala duwan.

WAXAAN HALKAN TALO WAX KU OOLA UGA SOO JEEDINAYAA DAWLADAHA HOOSE EE SOMALILAND:-

Waxaan aad iyo aad aan halkan uga salaamayaa dhamaan maayarada  caasimahada iyo shaqaalaha dawladaha hoose ee somaliland salaan ka dib waa aynu ognahay in dawladaha hoose ay markasta ku hawlan yihiin sidii ay kor ugu qaadi lahaayeen nadaafada meelkasta oo somaliland ka mida, hadana waxaan jirin awood buuxda oo  dhaqaale ah, kaas  oo sababi karta inay dawladaha hoose ay kor ugu qaadaan oo ay u sameeyaan shaqaale badan oo ka hawl gala  guud ahaan somaliland , laakin waa ay jiraan shaqaale kala duwan oo ka hawl gala gobolada dalka kuwaasina maaha kuwo ku filan in nadaafada dalka ay si guud isku badasho.

Waxaan hadaba dhamaantiin aan idinkula talinayaa in la sameeyo qodobadan soo socda: ————

I.            In shirkadaha wax soo dajiya  iyo kuwa wax sameeyaba  ay kala xisaabtamaan  wixii ay soo dejiyaan qashinkooda laguna amro in ay dib ururiyaan shaqaale gaarana u samaystaan .

II.            In la sameeyo tartan loo samaynayo dhamaan shirkadaha dalka oo dhan kuwaas oo lagu tartan siinayo sidii ay qashinka ay leeyihiin u soo ururin lahayeen ka dibna shirkadii soo ururisa qashinkeeda sidii la qorsheeyay  la gudoonsiiyo shahado sharaf iyo dhul ay degaan .

III.            In markasta bulshada kala duwan  la siiyo wacyi galin balaadhan iyo maalmo gaara oo ku saabsan maalmaha nadaafada  laguna wacyi galiyo inay kala shaqeeyaan nadafada dalka.

IV.            In loo sameeyo meelo gaara oo qashinka lagu ururiyo  kana shaqeeya degmooyinka dalka oo dhan loona sameeyo dad gaara oo ilaaliya oo dadka qashinka wada  tilmaama.

V.            Sikasta oo ay tahay nadaafadarada waa cudur ku dhaca jidhka, indhaha iyo qalbigaba , intaad qashin iyo qadhmuun arkaysidna lagama yaabo in qalbiaagu si wanaagsan u seexdo ama u raaxaysto.

Anigu shaqsi ahaan waxaan bulshada somaliland aan leeyahay qofkasta oo somalilander ah wuxuu masuul ka yahay  waxkasta oo ka dhacaya xaafada aad  degan tahay,haday tahay in nadaafada iyo wacyi galintu tahay mid qurux u ah xaafadada iyo naftaadaba,iyo haday tahay ilaalinta nabad galyada iyo waxkasta oo dan guud ahba.

Waxaan hadalkayga ku soo koobayaa aynu ka wada shaqayno nadaafada dalka oo dhan oo yaynaan cid gaara ku halayn , waana in la ogaado in wixii nadaafad xumaa ee agtaada ama xaafadaada ka jiraa ay dhibayso naftaada, caruurtaada, laakin aanay  dhibayn dawlada hoose iyo mid sare , waxaana ka wanaagsan intaanay iman dawladba  inaad adigu ka sii qaadidba waxkasta oo qashin ahba.

In la ogaado in qofkastaa yahay dawladii hoose ee qashinka ka shaqaynaysay  laakin aanu ahayn kii loo shaqaynayay , ahse kii ka shaqaynayay nadaafad xumada xaafadiisa

In nafta laga dhaadhiciyo muwaadinimada dhabtaa oo dareenkaagu diido waxkasta oo naftaadu diidayso indhahaaguna aanay jeclaysan .

N.B

Nadaafada oo wanaagsanaataa waa  indhahaaga oo wax wanaagsan arka

Nadaafad xumadu waa cudur halisa oo sababi kara dhimasho iyo nolol xumo.

Nadaafad wanaagu waa wado horumarineed .

Intuu qashin kuu dhawyahay ayuu cudur kuu dhaw yahay .

More about me

Farhan Mohamed Sultan Nur (Rakad)

 Email: farxaanmxd@gmail.com 

TELL: 252263–4400319

 Hargeisa

 Skype: Farxaan.mxd

 Social activist

 Thank you all

 Post number:  RP56