Chief Caaqilka Guud ee Gobolka Gabiley oo lagu Caleemo saaray Deegaanka Ceel Giniiseed.

0
35

2013110501184910690423484_481529f033_c10690407255_ab85c906b7_c10690564613_641055274e_c10690258276_79d330925f_c 10690115626_52b3b1e526_cGabiley(Waaheen) xaflada balaadhan oo lagu caleemo saarayey jiif caaqilka guud ee gobolka gabiley, ayaa Shalay  lagu qabtey deeganka ceel giniiseed ee hodanka ku ah bustaanad, xaflada oo ay ka soo qayb galeen, cuqaal, salaadiin, siysiyiin, dhalinyaro, haween, culima aw-diin,maamulka heer gobol iyo heer degmo ee gabiley, wasiirka maaliyada Somaliland Cabdicasiis Maxamed Samaale, wasiirka ganacsiga iyo maalgashiga Dr. maxamed c/laahi cumar, iyo boqolaal dadweyne ah oo ka kala yimid gobolada kala duwan ee Somaliland.

Ugu horeyn waxaa xafladaasi baladhan ka Hadley suldaanka guud ee gobolka gabiley suldaan ismaaciil suldaan c/raxmaan, waxaanu halkaasi uga duceeyey jiif caaqilka inuu ilaahay u fududeeyo, waxanu balan qaadey inuu gacan qaban doono.

Boqor muxumed geele seed, caaqil maxamed cabdi qawdhan, suldaan xuseen aw muuse cirdey, caaqil maxamed c/laahi weerar,oo halkaasi iyaguna ka haldey ayaa dhamaantooda ilaahay uga baryey inuu xilkaasi ku asturo, waxney dadweynaha reer gabiley ka codsadeen inay la sheqeeya.